Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo kormeeray dhismaha garoonka diyaaradaha garowe
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo kormeeray dhismaha garoonka diyaaradaha garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

     

    Madaxwyenaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 July 2017 soo kormeeray gigida diyaaradaha Garoowe oo dhismihiisu gebogebo marayo.

    Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweynahaย  ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee Dawlada Puntland iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin isugu jirey Wasiirro iyo xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweyanaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxweynuhu dul istaagay qiimeeyeyna ย meel kasta oo shaqo ka socotey garoonka dhexdiisa, waxaana uu Madaxweynuhu ka xogwaraystay shaqaalaha ka shaqaynaayey dhismaha garoonka sida ay shaqadu u socoto.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku amaanay masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee dawladda Puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqada loo igmaday, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in tayo ahan iyo bilic ahaanba garoonka loo hirgeliyey sidii qorshuhu ahaa.

    Dhinaca kale madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey in dhismaha garoonku marayo wejigii ugu danbeeyey, isla marโ€™ahaantaana lasoo afmeeri doono inta hadhay wakhti aan fogeyn Insha Alla.

    Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe oo ay ugu horeeyaan madaxda Wasaaraddu ย inay markasta xasuusnadaan in dhismahani muhiimad gaara u leeyahay kaabayaasha horumarineed ee dawladda Puntland, madaama uu ka qayb qaadanayo horumarka, bilicda, isku xidhka Puntland iyo caalamka intiisa kale, isla markaana u kaalin weyn ka qaadan doono ilaha dhaqaale ee dalka,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/ALhDdTDLc_Q

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    ๐€๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ฉ-๐ž๐ฑ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ ๐›๐š๐ง ๐ก๐ž๐ฅ๐ฉ๐ฌ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ฐ๐ข๐ง $๐Ÿ ๐›๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐Ÿ ๐ฌ๐š๐ฅ๐ž๐ฌ

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.