Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo si cajiib ah loogu soo dhaweeyay Magaalada kismaayo
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo si cajiib ah loogu soo dhaweeyay Magaalada kismaayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 8, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe 08 October 2017 si-diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaadh ka ah ee maamulka Jubbaland.

    Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Maamulkaasi Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne ku-xigeenadiisa, Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha maamulkaasi, saraakiisha ciidanka Jubbaland, Isimo, Nabadoono, waxgarad iyo boqolaal shacabka magaalada Kismaayo.

    Soodhoweyn kadib Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si isku midda ugu mahadnaqay shacabka iyo Xukuumadda reer Jubbaland ee kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

    “Aad iyo aad ayaa waxaan ugu mahadnaqayaa shacabka iyo xukuumadda reer Jubbaland soo dhoweynta aadka u wanaagsan ehelnimada iyo Soomaalinimadu ku jirto, aad baanu runtii ugu qiiroonay soo dhoweyntiina maanta waana ku mahadsan-tihiin, waan ku faraxsanahay inaan imaado Kismaayo una imaado shirka wada tashiga maamul goboleedyada dalka oo ah shir looga hadlayo maslaxadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay maamul goboleedyadu xaq u leeyihiin inay isu yimaadaan sida dastuurku qabo katashadaan danahooda iyo masiirkooda, isla markaana ay wax iska waydiiyaan geedi socodka horumarka ummaadda Soomaaliyeed, maslaxadda dalka, xasiloonida, waddda shaqaynta maamullada dalka iyo dawladda dhexeba.

    “Shirkani waa shir lagaga hadlayo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed  ee aan lagaga hadlayn dhib kale iyo mu’aamaradtoona, in dawlad goboleedyadu isu yimaadan sida dastuurka ah ka tashadaan masiirka dalka, waxa ay leeyihiin, waxa ku waajib ka ah, xidhiihka ay leeyihiin iyaga iyo dawladddooda dhexe oo aanu rabno dhammaantayo u hurno una socono taaba gelinta geedi socod wanaagsan, nabadayn iyo horumarka  Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa dhankiisa sheegay in shirka Kismaayo yahay mid lagaga arrinsanayo maslaxadda guud ee dalka si aragti mid ah looga yeesho horumarinta dalka iyo isu soo dhowaanshaha ummadda Soomaaliyeed.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa uga mahadnaqay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo xukuumaddiisa gogosha wadatashi ee ay u dhigeen maamulada dalka, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in shirkani muddo lasoo dhirin-dhirinaayey qabsoomidiisa, isla markaana uu Madaxweynaha laftiisu waday illaa xiligii dawladdii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa  Mudane. Xasan Shiikh Maxamuud  isku imaatinka shir wadatashi oo lagu magcaabo (QUDHAC FORUM ), kaasi oo lagaga arrinsan lahaa hanaanka geedisocod ee  dalka.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/zYoHxKVunsA

      

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.