Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray Xaafiiska Wasaarada Kaluumaysiga
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray Xaafiiska Wasaarada Kaluumaysiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 13, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13 September 2018 waxaa uu xadhiga kajaray xarunta Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Puntland, xarunteeda cusub ee magaala madaxda Dowladda Puntaland ee Garoowe.

    Madxaweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Puntland Cabdirshiid Maxamed Xirsi, qaar kamida golaha xukuumada Dowladda Puntland, maamulka Degmada, kan Gobolka Nugaal iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Xaruntan cusub ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Puntland ayaa markii ugu horeysay laga hirgaliyey magaala madaxda Dowladda Puntland ee Garoowe, tan iyo intii la’aasaasay Dowladda Puntland, waxaana Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland xarunteeda wayn ay ku taalaa xarunta ganacsiga ee magaalada Boosaaso.

    Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Puntland Cabdirshiid Maxamed Xirsi ayaa ka warbixiyey guud ahaan shaqada wasaardda wuxuuna tilmaamay in wasaaradu harumar balaran ay ku tilaabsatay ayana hada qorsheynayaan inay xarumo iyo kaydad qaboojiyayaal ah ay kasameeyaan sagaalka Gobol ee Dowladda Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad koobn ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarunta Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Puntland ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”

    “Aad iyo aad baan idin salaamayaa dhammaantiin, waana ku faraxsanahay inaan kasoo qayb galno munaasbaddan lagu xadhig jarayey xarunta cusub ee Wasaaradda Kaluumaysiga ee Caasumada Garoowe, waana u mahadnaqayaa Wasiirka iyo Wasaaradda martiqaadkan inaan kasoo qayb galno, xafladda iyo shaqada loo baahna ay ka bilaabeen in wasaaradda kaluumaysigo xarun ku yeelato caasimada waana lagama maarmaan waa muhiim, khayraadka lahubo oo dalkeenu leeyaay oo la’isku halayn karo waa Kaluunka, waa lasocotaan abaartii dhacday 2017 xooleheenu in kabadan 100%50 fursada ayeey kabexeen, waxaa loo baahan yahay sidaa xaalufka looga ilaalinayo xoolaha iyo deegaankaba in xaalufka iyo jariifka looga ilaaliyo kaluunka oo aan juhdi badana aan gelino ilaalintiisa,

    Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in xeebta ugu dheer ee dhulka Soomaalidu degto ay ku taalo mandiqada Puntland, oo ay tahay xeebaha adduunka ugu qanisan loona baahanyahay in khayraadkaas Baddaas dheer oo dihin la ilaayo loogana faa’iidaysto sida ugu wanaagsan,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    August 27, 2025

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    August 27, 2025

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    August 27, 2025
    Latest Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.