Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas”Cali Xaaji anaa abaal ku leh oo Wasiir ka dhigay isagoo suuqa taagan”
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas”Cali Xaaji anaa abaal ku leh oo Wasiir ka dhigay isagoo suuqa taagan”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 30, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha Puntland ayaaa waraysi uu siiyay mid ka mida telefishinada Soomaalida { RTN TV } waxaa uu ka hadlay arimaha doorashada puntland 2019 oo ay ka dhiman tahay 5 bilood, dagaalada Tukaraq, xiriirka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, Musuqmaasuqa iyo hankiisa la xiriira in uu markale u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Puntland, waraysiga oo dheer waxaan warbixinteena diirada ku saaraysaa qodobada muhiimka ah ee Mdaxweynuhu taabtay.

    Nuxurka Waraysiga:

    Madaxweyne Gaas waxa uu ka sheekeeyay xaalada guud ee puntland, sidoo kale shacabka reer puntland waxa uu ku tilmaamey dadka ugu wanaagsan, waxa uuna sabab uga dhigay dad dalkooda jecel, aan shido badnayn , amniga iyo horumarkana ka shaqeeya.

    Madaxweyne Gaas waxaa wax laga waydiiyay arimaha la xiriira in uusan Puntland gaarsiin hal qof iyo hal cod hadii uu balanqaadkaas fuli waayona uu dawladiisa ku tilmaamey mid fashilantahay, hada oo waqtigii la joogona uusan balan qaadkiisii fulin sida uu u arko, jawaabta waraysigiisa waxaa uu madaxweynuhu ku sheegay in uu niyad wanaag la yimi arinkaasna isku dayay, balse uu gaabis ka jiray shacabka iyo deeq bixiyayaasha, sidoo kale waxa uu hay’adaha arimaha doorashada ka shaqeeya uu  sheegay in ay awoodoodi u weeciyeen waxa loo yaqaan doorashooyinka Qaranka.

    Madaxweyne Gaas waxaa wax laga waydiiyay habka uu u soo xulo dadka loo dhiibayo xafiisyada dawlada waxaa uu sheegay in dadka uu u soo doorto aqoontooda iyo awooda ay u leeyihiin in ay wax qabtaan, sidoo kale waxa uu sheegay in haweenka iyo dhalinyarada ay dawladiisu dawr muhiima siisay.

    Madaxweyne Gaas waxaa la suaalay in uu cadeeyo mawqifkiisu la xiriira in uu sharaxan yahay doorashada soo socota iyo in kale maadama uu shan sano ka hor ku dhiiraday in uu sheego in uusan doorashada labaad u tartami doonin, waa uu ka gaabsaday waxa uuna jawaabtiisa madaxweynuhu kusoo koobay in waqtigeeda uu ka hadli doono.

    Madaxweyne Gaas waxaa la waydiiyay eedaymo uu usoo jeediyay wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cali xaaji warsame oo la xiriiray in musuqmaasuqii ugu xumaa puntland uu dhacay intii uu xilka hayay “ Cali Xaaji Waxuu ku fashilmay shaqadiisa Hadii uu musuq masuq igu eedaynayo Cadaymo ayaa laga rabaa lkn nin shaqadiisi ku fashilmay oo ka soo bixi waayey hadalkiisu waxba Suubin mayo 2sano ayuu wasiir ahaa hadii musuq masuq jiro maxuu markaas u sheegi waayey oo isu casili waayey ma markii uu shaqadiisi ku fashilmay oo laga qaaday miyuu musuq baa jira leeyahay

    Madaxwayne Gaas sidoo kale waxaa la suaalay in Cali Xaaji  Warsame Abaal siyaasadeed ku leeyahay oo guushiisii doorashada gacan ka gaystay madaxweyne Gaas markale wuxuu ku jawaabay “ Waxba kama jiraan Qofka codeeyaha ah isagaa codkiisa leh hadii Abaal jiro anaa ku leh oo wasiir ka dhigay isagoo shacab ah oo meelahaas iska jooga ”

    Madaxweyne Cabdiweli Gaas sidoo kale waxa uu sheegay in dawlada federaalka ah aysan jirin wax waan waan ah oo ay ka dhex wado iyaga iyo Somaliland, balse Qaramada ay arinkaas ku hawlantahay taasina ay tahay shaqadeeda sidoo kale waxa uu ku celiyay in Puntland aysan diyaar u ahayn wada hadal ilaa iyo inta Somaliland dhulkeeda ku laabanayso.

    Ugu danbayn Cabdiweli Cali Gaas madaxweynaha puntland waxa uu sheegay in Dekadda Boosaaso hawsheedu meel wanaagsan marayso dhawaana shirkada dhismaha ku guuleysta la siin doono qandaraaska sidoo kale waxa uu sheegay in Garoonka Diyaarada Boosaaso Iyo Garowe ay ka shaqa bilaabi doonto diyaarada Ethopian Airways,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.