Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Magaaladda Garowe oo siweyn looga Ciiday & Madaxweyne Gaas oo khudbad ka jeediyey.
    Somalia

    Video:-Magaaladda Garowe oo siweyn looga Ciiday & Madaxweyne Gaas oo khudbad ka jeediyey.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 15, 2018No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii  15 June 2018 La tukaday salaadii ciidul fidriga shacabka ku dhaqan caasimada Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe.

    Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo,  cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Dawladda Puntland.

    Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabada ka hadlay ayaa shacabka reer  Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada sidoo kalena Dowladda ka codsaday in ay sii wadaan howlgalada cadowga looga xoraynayo goobaha ay ku hareen.

    Dhinaca kale Madaxweyane ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey oo hadal kooban munaasabada ka jeediyey ayaa ku dheeraaday difaaca dalka isagoo shacabka reer puntland ugu baaqay in ay ka qayb qaataan xoraynta golbolka Sool iyo guud ahaan difaaca dalka isagoo dhanka kale hambalyo u diray ciidanka geesiyaasha Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

    “ Waxaan rabaa in aan hambalyada ciida u diro shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland farxad iyo wanaag ku ciida, waxaan marka hore si gaar ah ugu mahadnaqayaa dadkii soo qaban qaabiyey munaasabadaan gaar ahaan Wasaaradda Cadaalada Puntland, waxaan Iyana si gaar ah ugu mahadnaqayaa ciidamada qalabka sida ee qaar ay dhufaysyada ugu jiraan in ay naga difaaacaan cadowga ama ha ahaado midka waqooyi ka soo duulay ama shar wadayaasha Al shabaab iyo daacishta dhibta ku haysa ummada, si gaar ah Ayaan ugu mahadcelinayaa si gaar ah ayaan ugu hambalyeynayaa iyaga xaasaskooda iyo caruurtooda, shacabka reer Puntland mid baan dhahayaa, shacabka gobolka sool iyo horgalayaasha soomaali diidkana mid baan dhahayaa, dadka reer waqooyi galbeedna mid baan dhahayaa, dadka reer Puntland waxaan dhahayaa, dalka waa lagu soo duulay, haddii lagu soo duulay naftaadii maalkaagii iyo dhulkaagii waxa kaliya ee lagaa rabaa waa inaad is difaacdo, waxaa la rabaa in aan marmarsiiyo loo samayn nabadda waan jecel nahay waligayana waan ka shaqayn jirnay, laakiin haddii la garan waayey oo duulaan bareer ah lagugu soo qaaday waa inaad is difaacdaan, waxaan isku difaacanaa midnimo iyo wadajir, jihaadka la galayaa waa mid sax ah oo dhab ah, nin gar darana ma guulaysanayo, dadweynaha reer sool waxaan u sheegayaa in Puntland ay diyaar u tahay difaacooda iyo xorayntooda gabadha reer sool ee barooranaysa waxaan u sheegayaa, in ilmadeeda dhulka ku dhacaysaa ay xidido hor leh qoynayso, in ay geedo weyn abuurayso, horgalayaasha jeegaanta waxaan leeyahay cunadiina wadada wanaagsan u mara, waad helasaane haddaad diidaana waxaad ka heshaan ayaan ogaan doonaa, in aad adduunka ceeb ku noolaataan aakhirana ciqaab mudataan ayaan idiin rajaynayaa, ummadda waqooyi galbeed waxaan leeyahay anagu dad meel degan kuma aanu duulin mana rabno ee Muuse iyo jeegaantiisa waxay khatar ku yihiin waa idinka jiritaankiina, ma ahan kaliya anaga xataa wuxuu dhibaato u gaystay dad reer Somaliland ah, qofka waalani naftiisa iyo umaddaba khatar buu ku yahay, waxaa waajib idinku ah in aad iska qabataan si aad ummadda kale wadajir iyo deris wanaag ugula noolaataan,

    Ugu Danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey Shacbka reer Puntland in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan rajo wadajir, midnimo iyo amni waara,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.