Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maraykanka oo xayiraad kusoo rogay duulimaadyadii Yurub
    Somalia

    Video:-Maraykanka oo xayiraad kusoo rogay duulimaadyadii Yurub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 12, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xanibaado kusoo rogay dadka Mareykanka uga soo safraya Yurub, si wax looga qabto faafitaanka cudurka Coronavirus, taasi oo sii dhaawaceysa xiriirka markii horeba hooseeyey ee kala dhaxeeyey qaaradda.

    Tallaabada Trump ayaa ku qasabtay kumanaan qof inay dib uga laabtaan ama bedelaan tikidhadii ay horey u goosteen, waxayna hoos u dhigtay suuqyada saamiyada caalamka

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa amar ku bixiyey in dadka ka imanaya Yurub aysan Mareykanka soo geli karin muddo 30 maalmood ah, isaga oo ka jawaabaya walaaca laga qabo cudurka Coronavirus ee kusii faafaya Mareykanka.

    β€œWaxaanu isticmaaleynaa awoodda buuxda ee dowladda federalka Mareykanka iyo tan dadweynaha si loo bad-baadiyo dadka Mareykanka,” ayuu yiri Trump oo xalay khudbad u jeediyey dadweynaha Mareykanka.

    β€œTani waa dadaalkii ugu dhameystirnaa uguna adkaa taariikhda ee looga hortagayo fayruska ka imanaya dibedda,” ayuu yiri Trump.

    Amarkan socdaal oo billaabanaya saq-dhexe habeenka Jimcaha, ma saameynayo dadka Britain iyo kuwa Mareykanka ee kasoo laabanaya Yurub, sida uu sheegay Trump.

    Xannibaaddan lama filaanka ah ayaa hoos u dhac xooggan ku hogaamisay suuqyada maaliyadda caalamka ayada oo Suuqa Euro Stoxx 50 uu lumiyey 8.3%, oo ah heerkii ugu hooseeyey tan iyo 2016, halka suuqyada saamiyada Mareykanka ay lumiyeen 4% ka hor inta aan la furin.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.