Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Masjidul Qudus oo dib loo furay iyo Falastiiniyiinta oo dabaal deg bilaabay
    Somalia

    Video:-Masjidul Qudus oo dib loo furay iyo Falastiiniyiinta oo dabaal deg bilaabay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dadka falastiniyiinta ayaa dib ugu laabtay misaajidka barakaysan ee Al -Aqsa oo aysan muddo laba todobaad ah ku tukan .

    Dadka muslimiinta ee misaajidka ku cibaadaysanayay ayaa si raxraxan ah u soo galiyay misaajidka ka dib markii hogaamiyayaasha muslimiinta ay qaadeen qaadacaad ahayd in aan misaajidka lagu tukan.

    Muslimiinta ayaa waxa ay horey u diideen in ay misaajidka ku tukadaan tan iyo inta ay Israa’iil ka qaadayso halkaasi qalab wax loogu baaro oo ay ku rakibtay.

    Israa’iil ayaa soo rogtay tillaabooyiinkan ammaanka ka dib markii lab ka mid ah askarteeda lagu dilay meel u dhaw misaajidka barakaysan ee Al -Aqsa.

    Arrintaasi ayaa wax ka dhashay rabshado ka dhacay magaalada Qudus halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 130 qof ka dib markii ay booliiska isku dhaceen dad dibad bax cabasho ah dhigayay.

    Falastiiniyiinta ayaa la arkayay iyaga erayo ku luuqaynaya islamarkana dabaaldagaya ka hor intii aysan galin misaajidka.

    Ciidmada ammanka ee Israa’iil ayaa shalay ka furay qaybtii ugu danbeysay ee qalab wax lagu baaro oo ay ku xireen albaabka laga soo galo misaajidka Al-Aqsa.

    Madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas oo ka jawaabayay tillaabada Israa’iil ayaa todobaadkii aanu soo dhaafnay hakiyay xiriirkii wadashaqaynta ee uu la lahaa xukuumada Israa’iil,hoos ka daawo muqaalka.

     

     

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.