Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada Fadaraalka?
    Somalia

    Video:-Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada Fadaraalka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 19, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay Hubinta Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, Xaaladda kala guur ee ciidamada AMISOM. Sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay Tubta Arrimaha Bulashada iyo xeer Mamnuucya jarista dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha, iyada oo warbxino kala duwan laga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiiradda.

    Ugu horayn madaxda Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa gollaha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxayna sheegayn in ammaanku uu meel fiican marayo ciidamaduna ay ku howlan yihiin sidii loo sii xoojin lahaa dar-dargalinta nabadda.

    Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka warbxiyay barnaamij lagu tiro koobaya shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo fududayn doona la socodka iyo horumarinta xirfadeed ee shaqaalaha. Waxuuna Wasiirku tilmaamay in tirokoobka laga bilaabayo xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ka dibna loo gudbayo dhammaan Wasaaraddaha iyo hayโ€™addaha kale ee dawladda.

    Wasiir Saalax ayaa cadeeyay in shaqaalaha loo qaybin doono labo hab oo kala ah shaqaalaha ka diiwaan gashay Gudigga shaqadda iyo shaqaalaha ee dawladda iyo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee aan u diiwaan gashanayn dawladda, si loo helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha.

    Ugu dambayntii Gollaha Wasiiradda ayaa ka dooday ansxinta Tubta siyaasadda ee Arrimaha Bulashada oo ay ku midaysan yihiin dhammaan hayโ€™adaha dawladda iyo xeer mamnuucaya jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, dood iyo falanqayn dheer ka dib gollohu waxuu isla gartay in la ansixiyo labadan Hindise Sharci oo baahi badan uu dalku u qabo,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/4gyFl5BQLI8

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.