Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxaan kala soconaa Qaraxii weynaa ee Beyruut?
    Somalia

    Video:-Maxaan kala soconaa Qaraxii weynaa ee Beyruut?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 8, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxii weynaa ee burburiyay qeybo kamid ah caasimadda Beyrut uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate, taasoo ku keydsaneyd dekadda magaaladaasi.

    Shacabka dalkaasi ayaa ka carooday in madadaasi khatarta ah oo xagmigaasi leh ay muddo ka badan lix sano ku jirtay makhaasiin aan laga fekerin badqabkiisa, aadna ugu dhaw bartamaha caasimadda.

    Dowladdu ma aanay magacaabin halka ay ka timid maadadaasi, balse isla ammonium nitrate xajmigaasi la eg ayaa bishii November 2013 waxaa Beyrut geeyay markab sita calanka Moldova, laguna magacaabo MV Rhosus

    Markabka oo laga leeyahay Ruushka ayaa September-tii sanadkaas ka shareecday dekadda Batumi ee dalka Georgia, waxaana uu ku socday Beira, Mozambique.

    Xilli uu marayay bariga badda Mediterranean ayaa markabka Rhosus waxaa ku timid “cillad” waxaana uu ku khasbanaaday inuu ku xirto dekadda Beyrut, sida lagu sheegay warbixin 2015 lagu daabacay wargeyska Shippingarrested.com oo ay qoreen qareenno Lubnaan u dhashay oo metalayay shaqaalaha markabka.

    Hawlwadeennada dekaddaasi ayaa baaray markabka, waxaana laga “mamnuucay inuu safro” sida uu sheegay qareenka. Inta badan shaqaalaha markabka ayaa dib loogu celiyay dalalkooda marka laga reebo kabtan Boris Prokoshev oo Ruush ah iyo saddex badmaax oo kale oo la sheegay inay Ukraine u dhasheen.


    Mr Prokoshev ayaa Jimcihii BBC-da u sheegay in markabka Rhosus uu ku hakaday Beyrut, maadama milkiilayaashiisa ay soo wajahday lacag la’aan. Kabtanka ayaa sheegay in lagu wargeliyay in markabka uu shixnad dheeraad ah oo qalabka culus ah qaadayo si uu u helo kharash uu kaga gudbo marinka Suez.


    Hase yeeshee markabka ayaa qaadi waayay qalabkaasi culus. Markii ay dadkii lahaa bixin waayeen kharashka dekadda, ayaa dowladda Lubnaan waxa ay go’aansatay inay xayirto MV Rhosus iyo ammonium nitrate-dii saarneyd, sida uu sheegay kabtanka.


    Waxyar kadib, markabka ayaa looga tegay dekadda, maadaama dadkii lahaa iyo kuwa uu u rarnaa ay dan ka geli waayeen, sida ay sheegeen qareennada. Waxaa halkaa ka dhashay dacwad maxkamadeed oo ay gudbiyeen dadkii deymaha ku lahaa MV Rhosus.

    Dacwadda MV RhosusShaqaalaha markabka ayaa xilligaasi wajahay waqti adag oo waxaa gabaabsi ka ahaa cunnada iyo saadka kale.

    Qareennada ayaa sheegay in arinta u gudbiyeen xaakimka xaaladaha degdega ah ee Bayrut, kaasoo ugu dambeyn 2014 oggolaaday in shaqaalaha markabka laga dejiyo dalalkoodana loo celiyo.

    Shaqaalaha dekadda ayaa shixnadda markabka ee ammonium nitrate u wareejiyay “makhaasiin 12” oo ku dhagan kan haruurka lagu keydiyo. Qareennada ayaa sheegay in shixnaddaasi ay sugaysay in “la xaraasho ama sida ku habboon loo asturo.”


    MV RhosusXIGASHADA SAWIRKA,REUTERSQoraalka sawirka,Kabtan Boris Prokoshev (midig) iyo Boris Musinchak oo kamid ah shaqaalaha markabka
    Kabtan Prokoshev ayaa sheegay in xukuumadda Lubnaan ay ogeyd khatarta ay leedahay shixnadda uu markabka siday, oo ay ahayd in aan lagu keydin dekadda.

    “Waxay lacag ku siin lahaayeen milkiilaha markabka, lacag dhan boqolaal kun oo dollar si uu meesha uga dhaqaajiyo, iyagana ay uga nastaan dhibaatada uu ku hayay dekadda. Balse waxay go’aansadeen inay sii haystaan.”

    Maamulaha guud ee dekadda, Xasan Koraytem, iyo agaasimaha guud ee kastamada Lubnaan, Badri Dahir, ayaa labaduba Arbacadii sheegay inay maxkamadda uga digeen khatarta ka iman karta maadada lagu keydiyay halkaasi, iyo in meesha laga saaro.

    Dukumiinti aad loo wareejinayo online-ka ayaa muujinaya in saraakiisha kastamada ay warqado u direen xaakimka xaaladaha degdega ah ee Beyrut si uu ugala taliyo iibinta ama daadinta ammonium nitrate-daasi, tiro lix jeer ah intii u dhexaysay 2014 iyo 2017.

    Mr Koraytem ayaa u sheegay telefishinka maxalliga ah ee OTV in xitaa ay warqado u direen laamaha amniga Lubnaan.


    Dowladda Lubnaan ayaa amartay in xabsi guri laga dhigo saraakiisha ku lugta lahaa keydinta iyo ilaalinta maadadaasi, xilli uu socdo baaritaan ku aaddan qaraxaasi dadka badan laayay.

    Xigasho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.