Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxay kawada hadleen Gaas iyo Keating?
    Somalia

    Video:-Maxay kawada hadleen Gaas iyo Keating?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 25, 2018Updated:July 25, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay  25 July 2018 waxaa uu xafiiskiisa kulan kula qaatey wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa   kulanka uu maanta laqaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Deegaanka iyo isbedalka Cimilada, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Madaxeynaha Dawladda oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael Keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlan ee Magaalada Garoowe,

    “Waxaan maanta halkaan ku qaabilnay Danjire Michael Keating  oo ah wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan oo runtii aan si dhow u wada shaqeenayney mudo sadex sano ku dhow, Danjire Michael Keating waxa uu noogu yimid shaqda ay UN- ku ka hayaan Puntland guud ahaan dhammaanteed in aan iska wareeysano nabadeentii kasocotay  Gaalkacyo, horumarka hay’adaha kala duwan ee UN-ku ka hayaan Puntland, nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya, Soomaaliya xaaladeeda guud, hanoqoto dhan ciidan, dhismaha ciidamada Soomaaliya, hanoqoto arrimaha dhaqaalaha iyo waxyaabihii ugu danbeeyay ee kasoo baxay shirkii lagu yeeshay Brussles bishaan gudeheeda ee aan hada ka nimaadnay, waxaasoo dhan baan ka wada hadlanay “ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

    Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahad naqay Madaxweynha Dowldda Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa, isla mar’ahaantaana ku bogaadiyey Puntland horumarka baaxada leh ee ka socda mudada kooban ee madaxweynuhu uu xilka hayey, sidoo kalena Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweynha Dowladda ay kawada hadleen arrimaha siyaasda Soomaaliya, Amniga gobolka iyo xaalada deegaanka Tukaraq.

    Danjire Michael Keating ayaa aad u bogaadiyay xaalada amni ee Gobolka Mudug wuxuuna amaan usoo jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee labada dhinac oo uu sheegay in ay qabteen shaqo aad u muhiim ah isla’amarakana aan laga cabdsi qabin xaalad amni darro oo kasoo cusboonaata Gobolka Mudug, sidoo kale Danjire Michael keating ayaa sheegay in Qaramada midoobay ay arinta gobolka Sool ka telagelin doonto odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaadhista masiirkooda.

    Ugu danbeyn Madaxweynha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay kawada hadleen asaga iyo Danjire Michael Keating xaalada Tukaraq waxaana uu madaxweynuhu si cad ugu sheegay Danjire Michael Keating mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaalada deegaanka Tukaraq oo uu Maamulka Soomaaliland kusoo duulay,  isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay inta taako Puntland katirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn, Puntland na ay xoreynayso dhulkeeda,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.