Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxay ku heshiiyeen Madaxweynayaasha Somaliya iyo Eretereya?
    Somalia

    Video:-Maxay ku heshiiyeen Madaxweynayaasha Somaliya iyo Eretereya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 14, 2018Updated:December 14, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, oo kulamo wada tashi ah ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Labada Dal.

    Labada Madaxweyne, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in booqashadan ay ka tarjumayso dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu wajahayo Gobolka Geeska Afrika.

    Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

    Madaxweyne Isaias ayaa bogaadiyey, soona dhaweyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguna tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.

    Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan Gobolka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.