Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxkamada Ciidamada Muqdisho oo lasoo taagay xubno ka tirsan Daacishta Somaliya
    Somalia

    Video:-Maxkamada Ciidamada Muqdisho oo lasoo taagay xubno ka tirsan Daacishta Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta la soo taagay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

    Horjoogayaasha Maxkamadda la soo taagay ayaa lagu kala magacaabay Mahad Maxamuud Cabdi oo loo yaqaano (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame oo isagana loo yaqaanno  (Dr. Raage).

    Mahad Maxamuud Cabdi ayaa Xafiisk Xeer Ilaalinta ku soo eedeeyay inuu dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah, kuwaasoo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin.

    Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu Soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxaana uu heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku noolaa, waxaa sidoo kale uu ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo, balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish ayuu go’aansaday inuu aas-aaso koox kale.

    Wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeyo kooxda Daacish, taasi oo uu ku gudbinayay cabashada ay ka wadaan horjooge C/qaadir Muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-

    “Hoggaan xumida hoggaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale”

    Sidoo kale Maxamed Daa’uud Daahir Warsame oo magiciisa Af-garashada uu yahay  (Dr. Raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu ka isticmaali jiray Lacagaha.

    Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

    Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

    Qareenada u doodayay eedeysanayaasha  ayaa  maxkamadda ka hor sheegay  in aysan wakiiladooda   diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka  laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.

    Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxaana uu sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

    Horjoogayaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro lamarin habaabiyey ayaa doonayey in ay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed   lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona  lahayn,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.