Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Natiijada Rasmiga ah ee Doorashada Kenya oo Lagu dhawaaqayo Maanta
    Somalia

    Video:-Natiijada Rasmiga ah ee Doorashada Kenya oo Lagu dhawaaqayo Maanta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 11, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maanta oo jimcaha ah dadka reer Kenya ay u dhega taagayaan ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashadii talaadadii ay u dareereen.

    Mucaaradka ayaa dhinaca kale sii wada diidmadooda ku aadan natiijada ilaa iyo hadda la shaaciyay, iyagoo qamiistii shalayna sheegay in murashaxooda, Raila Odinga, uu yahay midka sida xaqqa ah ku guuleystay.

    Shalay galab Guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin.

    Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha ee Kenya, Wafula Chebukati, ayaa sheegay in dhamaan dukumintiyada ay sugayaan ay soo gaarayaan maanta, markaa ka dibna ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah.

    Waxaa la filayaa in wixii 12ka duhurnimo ka dambeeya lagu dhawaaqo cidda ku guuleysatay madaxweynenimada Kenya.

    Natiijada horu-dhaca ah ee ay guddiga doorashadu sii daayeen ilaa iyo hadda ayaa muujineysa in Madaxweynaha Kursiga difaacanaya Uhuru Kenyatta uu ka horeeyo, Hogaamiyaha Mucaaradka Ra’ila Odinga sagal buundo.

    Laakiin mucaaradka ayaa natiijadaasi diidan, iyagoo ku tilmaamay mmid la musuqmaasuqay, ka dib markii la jabsaday sida ay ku doodayaan computerada guddiga doorashada Kenya.

    Khamiistii shalayna Madaxa Guddiga Doorashada Chebukati waxa uu sheegay inuu jiray isku day lagu doonayay in loogu dhaco komputeradooda, markii ay codeyntu soo dhamaatay ka dib, hasa yeeshee lagu guul dareystay.

    Mucaaradku waxey sheegayaan in xisaabtoodu ay muujineyso in Odinga uu Kenyatta kaga adkaaday wax ka badan 600 oo kun oo cod.

    Hogamiyaha Isbaheysiga Mucaaradka ee NASA, Musalia Mudavadi, ayaa isna la hadlay wariyeyaasha Khamiistii shalay.

    Waxaa dalkaasi ka dhacay rabshado goos goos ah, gaar ahaan meelo ay ka mid yihiin Kisumu, Mathare iyo abasiibada Kibera ee magaalada Nairobi, halkaas oo Shaagagga baabuurta ay gubanayeen wadooyinka tan iyo arbacadii.

    Cabsi laga qabo rabshado dilaaca marka natiijada lagu dhawaaqo ayaa si weyn uga oogan dalka Kenya.

    Kormeerayaasha caalamiga ah ee dushha kala socday doorashada Kenya ayaa ugu baaqay dadka reer Kenya inay dulqaad muujiyaan oo ay isxakameeyaan.

    Xoghayihii hore ee Arrimahada Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa hogaaminayay koox ka socotay Xarunta Karter ee Mareykanka oo ka mid aheyd kormeerayaasha caalamiga ah ee doorashada eegeysay, waxaa kaloo kormeeyaasha ka mid aheyd Ra’isul Wasaarihii hore ee Senegalese Aminata Toure.

    Kerry ayaa ku booriyay Kenyanka inay dibaadka raacaan, hadiiba ay dhacdo inay ka horyimaadaan natiijada doorashada.

    Kormeerayaasha doorashada sida Carter Center, iyo Hey’adda National Democratic Institute oo labaduba fadhigoodu yahay mareykanka, Midowga Africa, iyo midowga Yurub ayaa dhamaantooda sheegay in doorashadii dhacday Talaadadii ay aheyd mid si daah furan ku qabsoontay,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/JOdOD21PDWM

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.