Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Ninkii Nabi Maxamed CSW lagu sheegay oo hadlay iyo Culumada Somaliyed oo Fadwo kasoo saaray
    Somalia

    Video:-Ninkii Nabi Maxamed CSW lagu sheegay oo hadlay iyo Culumada Somaliyed oo Fadwo kasoo saaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 19, 2017Updated:September 19, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal hayay nin la sheegay in uu saxaafada usoo bandhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed, Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ahaatee.

    Kumannaan qof ayaa si kala duwan uga hadlay hadalka ninkaas, waxaana sidoo kale ka hadlay culimmada Soomaalida,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/vXiJFhkaZxs

     

     

     

    Waxaa la sheegay in ninkaasi uu joogo Magaalada Gaalkacayo,gaar ahaan qaybta koonfureed ee Baraxley oo uu gacanta ku hayo maamulka Cadaado.

    Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee maamulkaas ,ayaa amartay in ninkaasi la soo xiro lana horkeeno sharciga,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Wasiirka Diinta iyo Awqaafta uu ku amray soo qabashada ninkaas..

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka amarka maaamulka Cadaado

    https://youtu.be/bds-RvtwmyI

     

     

     

     

    Dhanka kale Maxkamad ku taala  Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegtay in dembi lagu waayay ninkaasi lagu eedeeyay in uu Sawir meel yaalla ku tilmaamay Nabi Maxamed (SCW).

    Garsooraha maxkamaddaas, Shiikh Maxamed Macallim Cali ayaa BBC-da u sheegay in ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Shiikh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare uu maxkamadda hor yimid oo su’aalo la waydiiyay, markii dambana la fasaxay.

    Garsooraha maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo, Shiikh Maxamed Macallin Cali ayaa sheegay in Wasiirka Diinta ee maamulka Cadaado uu ku degdegay arrin uusan la socon.

    “Wasiirka wuxuu ku degdegay arrin uusan la socon in maxkamad ay ku jirto”, ayuu yiri garsooraha.

     

    Dhanka kale Shiikha sawirkiisa lasoo qaatay ee Cabdiweli Cilmi Yare uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed CSW,ayaa saxaafada la hadlay,waxuuna si cad iskaga beri yeelay tilmaanta lagu sheegay.

    ”Anigu Nabi ma sheegan shaqo kuma lihi qolada sawirkayga soo bandhigtay,diintaydu waa islaam Nabigaygu waa Maxamed”ayuu yiri Shiikh Bilaw,hoos ka daawo muuqaalka Shiikh Bilaw oo ka hadlay sawirkiisa la isticmaalay.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka Shiikh Bilaw

    https://youtu.be/BawfjdnD7mk

     

    Dhanka kale qayb ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay ninka soo bandhigay sawirka uu ku sheegay Nbai Maxamed NNKH ee ku sugan magaalada Gaalkacyo,kaasoo lagu magacaabo C/wali Shiikh Cali Cilmi Yare.

    Guddoomiyaha mid ka mid ah Hey’addaha Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo bayaanka ay Culumadaas kasoo saareen Cabdiweli Shiikh Cilmi Yare iyo Gafka uu gaystay Suubanaheena Nabi Maxamaed NNNKH,ayaa sheegay in Cabdiweli uu ka baxay Diinta islaamka.

    Sidoo kale Shiikh bashiir waxuu ku daray hadalkiisa isagoo sii wata in ninkan uu meel kaga dhacay xurmadii Nabigeena CSW, waxaana uu ka codsaday maamulka Cadaado iyo Dawlada Fadraaalka in ninkaas sharciga la marsiiyo,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Culumada bayaanka kasoo saartay Muqdisho.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka Culumada

    https://youtu.be/jhTm6Edh3HU

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.