Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Raqqa Oo ugu danbayntii gacanta ISIS laga saaray
    Somalia

    Video:-Raqqa Oo ugu danbayntii gacanta ISIS laga saaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 17, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Isbahaysi Kurdiyiinta Suuriya ah oo Maraykanku taageero iyo dagaallamayaal Carab ah ayaa sheegay inay si buuxda gacanta ugu dhigeen halkii xarunta u ahaan jirtay kooxda dawladda Islaamiga ee magaalada Raqqa.

    Afhayeen u hadlay xoogagga SDF, Talal Sello, wuxuu sheegay in xoogagooda ay guushan ku qaadatay shan bilood oo dullaan ah.

    Hawlgal nadiifin ah ayaa iminka socda sida uu Talal sheegay, si dibadda loogu soo saaro miinooyin aan weli qarxin, iyo jihaadiyiinta magaalada ku dhuumaalaysanaya.

    Dhawaan ayaa la filayaa in la soo saaro hadal rasmi ah oo ku saabsan guusha laga gaaray magaaladan, iyo soo afjaridda seddex sano oo kooxda IS ay xukumaysay.

    Galinkii hore ee Talaadada ayey kooxda SDF nadiifiyeen labadii meelood ee ugu dambeeyey ee IS ay ku lahaayeen fariisimada magaalada gudaheeda, kuwaasoo kala ahaa garoonka kubbadda, iyo isbitaalka.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku soo warrantay in dagaallamayaashu ay calankooda ka taageen garoonka cayaaraha, ayna waddooyinka ku dabaal degayeen ayagoo gaadiidkooda wata.

    Dhowr iyo labaatan dagaallame ayaa la aaminsan yahay inay iska caabbintii ugu dambaysay ka sameeyeen garoonka kubbadda, halka 22-na la sheegay in lagu dilay dagaalkii ka dhacay isbitaalka.

    Ilaa 300 oo mintidiin ah ayaa la sheegay in Axaddi ay ku jireen gudaha magaalada, ka dib markii jihaad doonayaasha Suuriya iyo qoysaskooda halkaa laga daadgureeyey si waafaqsan heshiis ay wada xaajood ka galeen odayaasha qabaa’ilka.

    Kooxda IS waxay qabsatay Raqqa horraantii 2014, dhowr bilood ka dib markii ay noqotay xarun goboleedkii ugu horreysay ee Suuriya ka tirsan ee u gacan gasha fallaagada, noqotayna xarunta ay ku tilmaameen “khilaafada”.

    Kooxdu waxay Raqqa ka dhaqan galiyeen shareecada Islaamka oo tafsiirkeeda ay aad u adkeeyeen, waxayna soo rogeen dilalka qoorgoynta, kuwa istillaabta, jirdilka iyo argagixinta ciddii xukunkooda ka soo horjeesata.

    Waxay kaloo Raqqa hoy u noqotay kumanaan jihaad doonayaal ah oo ka kala yimid dunida dacalladeeda.

    Ilaa 15,000 oo dagaallame oo dusha ay ka taageerayaan duqaymaha xulafada Maraykanku horseedka ka yahay iyo ciidamo si gaar ah u tababaran oo dhulka ka hawl galaya ayaa bilaabay dullaanka lagu qabsanayo Raqqa bishii Nofembar.

    Dhinac kasta ayey magaalada ka hareereeyeen ka hor intii aysan jabinin difaacyada IS ee yaallay magaalada banaankeeda,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/WAt9ZT2CQWg

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.