Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Rooble oo sii daayay hadal muran badan dhaliyay
    Somalia

    Video:-Rooble oo sii daayay hadal muran badan dhaliyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 28, 2020Updated:December 28, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan dhegeystay farrinta aadka u gaaban ee RW Maxamed Xussein Roble ujeediyay Ummadda Soomaaliyeed, ugana hadlay dhawr arrimood oo kala ah:

    1. Inuu la kulmay wakiillo ka kala socda beesha caalamka iyo bulshada ra’yidka, kana wada hadleen doorashada “lagu muransan yahay;”

    2. In albaabada xafiiskiisa u furan yihiin ciddii cabasho ka qabta doorashada hirgelinteeda socoto;

    3. In shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho is dejiyaan, ilaalsadaan hantidooda, loona turo;

    4. In aan loo baahneyn in lagu dhaqaaqo tallaaboyin dhibaato ku ah shacabka Muqdisho, asaguna diyaar u yahay inuu xalliyo wixii dhibaato jirta,

    5. In wada hadallada socdaan, inkastoo wax dhibaato ah jirin.

    Waxaa dhici karta in siyaabo kala duwan loo fasirto farrinta RW Roble, waxaana jeclahay inaan halkaan idin la wadaago sidaan u qaatay anigoo tixgelinaya hadalka RW iyo xaaladda dalku marayo.

    1. Waxaad moodaa in RW Roble dareensan yahay inay jirto dhibaato aan buurneyn oo wax ka soo qaad leh;

    2. Waxaad kaloo moodaa in RW leeyahay anigaa maamulaya doorashada iyo dalkana mas’uul ka ah ee qaylada ha la joojiyo, Madaxweyne Farmajona ha la ii daayo;

    3. Waxaad moodda in RW Rooble xisaabta ugu jirin wixii dalka ka dhacay 3 sano iyo lixdii bilood ee ka horreysay magacaabiddisa, iyo waayo aragnimada laga dhaxlay.

    4. Waxaad moodaa in RW Roble ishaarayo in asaga iyo wakiilladii beesha caalamka iyo bulshada ra’yidka isku afgarteen in wax dhibaato ah ka jirin hirgelinta heshiiska siyaasadda iyo habraaca doorashada, howsha doorashadana u socon doonto sidii loogu tala galay ama heshiiska lagu lahaa;

    5. Waxaad moodaa in RW Roble la socon ama macno la laheyn shanta arrimood ee muranka doorashada ku saleysan yihiin.

    I. Sharcidarrada Guddiga federaalka ee doorashada;

    II. Sharcidarrada Guddiga doorashada somaliland iyo takoorka Guddoomiyaha Aqalka Sare Abdi Xaashi;III. Xadgudubyada dowladda federaalka ka wado Gobolka Gedo ee ka tirsan DG Jubbaland;

    IV. Wax ka qabashada qalqalka iyo qaylo-dhaanta siyaasadeed ee ka taagan qaabka iyo natiijada doorashada DG Hirshabelle;

    V. Mas’uuliyadda iyo awoodda Guddiga wadatashiga Qaranka oo ka kooban DF iyo DG.

    6. Inkastoo RW Roble soo dhoweynayo ciddii qabta cabasho si loo xalliyo dhibka ay sheeganeyso, haddana waxaad moodaa in RW Roble aqoonsaneyn kaalinta dastuuriga ah ee mucaaradka siyaasadda ku leeyahay habka iyo hannaanka doorashada dadban iyo baaqyada caalamka ee isdaba jooga ahaa ee dalalka taagera Soomaaliya, uguna dambeeyay kii ka soo baxay shirkii IGAD.

    7. RW Rooble ma xusayo mana garawsana sababta kallifay in beesha caalamka iyo bulshada Ra’yidka ugala hadlayaan arrimaha doorashada, iyo welwelka jira iyo tallaabooyinka laga sugayo;8. RW Rooble wuxuu soo jeediyay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa deggan Muqdisho aqbalaan sida DF rabto ama wax u wado, ayna ilaashadaan guryaha iyo hantida ay ku haystaan Muqdisho haddii kale dhibaato ku imaan karto haddii ay ka horyimaadaan rabitaanka DF.

    RW Roble ma garowsana sababta loo buuqayo, dadka loo kicinayo. Wuxuu ku talinaya in warka dowladda federaalka loo hoggaansamo.Farrinta RW Rooble waxay albaabada ka soo xirtay rajada ah in xal degdeg ah laga gaaro khilaafka ka taagan tubta/hannaanka hirgelinta doorashada dadban. Maanta dalka Soomaaliya kama jiro barlamaan federaal si sharci ah u matalaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana DF rabtaa in Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbed, iyo Guddiga doorashada Somaliland soo gudbiyaan liiska Xildhibannada Aqalka Sare.

    Muwaadin kasoo tasho!!!See Less

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/742346877/videos/10158926758356878/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.