Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-RW Khayre oo Beesha Caalamka ka codsaday in ay fuliyaan balanqaadyadoodii
    Somalia

    Video:-RW Khayre oo Beesha Caalamka ka codsaday in ay fuliyaan balanqaadyadoodii

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, kulanka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo Hay’adaha uu la kulmay Safiiradooda. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.
     
    Xasan Cali Khayre oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday wax yaabihii u qabsoomay Xukuumadda dhowrkii bilood ee laga soo gudbay, gaar ahaan dhinacyada Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa nidaam dawladnimo ee hufan.
     
    “Qof kasta oo idiinka mid ah wuu og-yahay Horumarka ballaaran ee aan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sameyney , waxaan joognaa waqtigii aan ka gudbi laheyn hadal kaliya una gudbi lahayn ficil iyo Waxqabad. Waana sababta aan halkan isagu nimid si aan uga hadalno kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka la gaaray sidii horey loogu sii wadi lahaa. “ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
     
    Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay bilowday nidaam isla xisaabtan dhinacyo badan, kana codsaday Beesha caalamka iney la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed. Isagoona ugu baaqay inay si dhab ah u garab istaagan dawladda islamarkaana ka dhabeeyaan balan qaadyadii ay horey u sameeyeen.
     
    Waxaa jira hoos u dhac dhaqaale oo soo wajahay Dawlada Fadaraalka,sidoo kale waxaa hoos u dhacay mashaariicdii beesha caalamka ka imaan jiray ee laga fulin jiray gudaha Xamar.
     
    Hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/eF_EuQfFNJ8

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.