Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Shirkad ay maamulaan militariga Itoobiya oo lagu eedeeyay inay hubka sharci darrada u gudbin jirtay Soomaaliya
    Somalia

    Video:-Shirkad ay maamulaan militariga Itoobiya oo lagu eedeeyay inay hubka sharci darrada u gudbin jirtay Soomaaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 14, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahayd ganacsiga sharci darrada ee hubka, sida lagu sheegay barnaamij uu tebiyay telefishinka dowladda ee ETV.

    Waxaa xabsiga la dhigay madaxii hore ee shirkadda Metec Janaraal Gen Kinfe Dagnew oo isku dayay inuu u xabsado dalka Suudaan.

    Barnaamijka ayaa ku eedeeyay saraakiisha maamuleysay shirkadda inay hubka u safrin jireen dalka Soomaaliya.

    Suleymaan Dedefo oo ah safiirkii hore ee Itoobiya u fadhin jiray Jabuuti ayaa barnaamij ka baxay ETV u sheegay in sannadkii 2016-kii shirkadda Metec lagu tuhmay inay soo iibsatay labo maraakiib ah oo markii dambe ay u isticmaalayeen saraakiisha shirkadda inay hubka iyo aalabaha kale ee sharci darrada ah u dhoofiyaan dalalka Iiraan iyo Soomaaliya.

    Wuxuu sheegay safiirka inuu warqad u qoray wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya si ay ula socdaan eedeymaha loo soo jeediyay shirkadda balse dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintaasi.

    Isniintii, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye wuxuu shaaca ka qaaday in musuq maasuq baahsan lagu helay shirkadda kaddib markii shan bilood ah oo baaritaanno ah.

    Waxaa la xiray 27 saraakiil oo shirkadda maamuleysay.

    Itoobiya waxaa ka socdaa howlgallo ka dhan musuq maasuqa, waxayna ka qayb yihiin isbadallada taariikhiiga ah uu garwadeenka ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

    Bishii Agosto ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha heshiiskii qanddaraaska dhisitaanka biyo xireenka kala noqday shirkadda Metec isla markaasna siiyay shirkaddo shisheeye,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/AbditajirAbdi/videos/10155516594047271/

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    August 27, 2025

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    August 27, 2025

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    August 27, 2025
    Latest Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.