Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Shirkii Baydhabo si rasmi ah ufurmay iyo Madaxweyne Gaas oo khudbad taariikhiya ka jeediyay
    Somalia

    Video:-Shirkii Baydhabo si rasmi ah ufurmay iyo Madaxweyne Gaas oo khudbad taariikhiya ka jeediyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 14, 2018Updated:May 14, 2018No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ahna Guddoomiyaha golaha iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta 14 May 2018  waxaa uu  magalada Baydhabo ka daah furey kulankoodii labaad ee shirka Golaha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa fadhigii maanta ee Golaha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah ee uu shir gudoominayey Waxaa qayb ka ahaa dhammaan madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Kulankan maanta ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii anba qaadi lahaa qorsheyaashii hore iyo sidii la xisaabtan dhaba loola geli lahaa  Dowldda Feedaraalka Soomaaliya, yo sidii ay u wada shaqeen lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

    Dhinca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo madasha kudbad muhiima ka jeediyey ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo Federaalisimka si dalkaan horumar u gaaro.

    “Waxaa mahad iska leh Allaah oo iskugu kaaya keeney si nabad gelyo ah, waxaan aad ugu mahad naqaya Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed  saaxiibkey Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo dadweynaha reer Koonfur Galbeed soo dhaweentii soomaalinimo, wadaninimo, walaaltinimo intaba iskugu jirto aynagu soo dhawweeyeen iyo marti gelintooda wanaagsanba aad baan uga mahadnaqaynaa, shirkaan waa shirkii labaad ee aan iskugu imaano waxaa ka horeeyey shirkii bishii October sanadkii lasoo dhaafey ee 2017 aan iskugu tagnay Magaalada Kisamaayo, shirkaas oo runtii uu kasoo baxay abuuritaanka golahan iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, shirkii labaad ee aan iskugu nimaadno weeye oo aan isleeyehay waaba daahay, shirkaan isku imaatinkiisu waa shir muhiim ah, waxaan isleeyahay waxyaabaha larabo in lagawada hadlo waxay muhiim u yihiin  nabadgalyada dalka, xoreynta dalka, iyo xasilinta dalka Soomaaliya, inta meeshaan joogtaayi waa intii masuuliyadu ka saarneyd dhulka intiisa tirada badan”

    in hawlahaas dowladnimada Soomaaliyeed wanaajinteeda ah inay horseedaan kana qayb qaataan ay ugu horeyso, dalka in laga xoreeyo Shabaab, dhul badan oo maanta Sooomaaliya kamida ayaan dadku si xora iskugu socon karin, waxaa loo baaahan yahay marka in loo tashado, laga hawl galo sidii dadka loo xoreyn lahaa, dabadeedna loo xasilin lahaa, dabadeedna maamulada jira loo adkeyn lahaa, dabadeedna loogeli lahaa in dadka loo adeego, shirku waxa uu muhiim u ayahay horusocdka dimuqraadiyada Soomaaliaya, sababtoo ah dowladnimadeenii luntay doon-doonisteedii baa nala gashay, shirku waxa uu muhiim u yahay federaaleynta Soomaaliya, nidaam baan qaadanay la yiraahdo federaaliisam  nagu cusub, dad badan aqoontiisa ay ku yar tahay,  taas ayaa keenaysa is jiid-jiidka marar badan aad idaacadaha ka maqlaysaan, waad baranaysaan waa dumuqraadiyadii iyo federaalisamkii oo wada socda weeye, sharqanta aad maqlaysaan, shirku waxa uu muhiim u yahay in labarto in dalka awoodiisa laqaybsado, khayraadkana qaybsigiisa lagu heshiiyo, waxa aan halkaan iskugu nimaadnay waa intaa, aad iyo aad ayaan u rajeenayaa anigu runtii waxa ii muuqda meeshsa aan kanimid 1991 iyo meesha aan maanta marayno, wakhtigu hadheeraado lakiin wanaag badan baa ii muuqda, anaguna waxaan aaminsanahay hadaan nahay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowaladda Federaalka Soomaaliya, in dowladda geesaha lagasoo dhiso, in dhexda lagasoo dhiso, dhexduna sida ay u adkaato waa inay difaaceeda geesaha xoojisaa, aad iyo aad ayaan marlaabaad uga mahad naqayaa Soo dhaweynta, aad iyo naad ayaan uga mahad naqayaa, idinkana kasoo qayb galkiina dhammaantiin waad ku mahadsan tihiin Shirkuna waa noo furan yahay”
    Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Caali Gaas.

    Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka koonfur galbeed ku sugnaan doona tan iyo inta uu soo geba-geboobayo shirka Golaha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan hoose kad aawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.