Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Shirkii G-7 Oo aysan kasoo bixin wax is afgarad ah
    Somalia

    Video:-Shirkii G-7 Oo aysan kasoo bixin wax is afgarad ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 10, 2018Updated:June 10, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegey in wakiiladiisa aysan saxiixan war martiyeedka dalalka G-7 ee shirka ku lahaa dalka Kanada Jimcihii iyo Sabtidi, kadib markii uu dhibsaday war uu soo saaray reysal wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, xilli uu Trump shirk aka soo tagay.
     
    Trump, ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray, “waa qof aan daacad aheyn oo aad u liita,” isagoo u jawaabayay hadalka Trudeau ee ku aaddan canshuurta cusub ee Mareykanka ee alamuniyamta iyo biraha inay yihiin kuwa aflagaaddo ah.
     
    “Marka loo eego, hadalka beenta ah ee uu ka sheegey Justin shirkiisa jaraa’id iyo xaqiiqda ah in Kanada ay lacago badan dul saareyso beeralleyda Mareykanka, shaqaalaha iyo shirkadaha, waxaan amrey wakiillada Mareykanka inaysan ayidin war murtiyeedka, inagoo eegi doona canshuuraadka gawaarida ku soo qul qulaya suuqyada Mareykanka!” ayuu Trump yiri.
     
    Dhanka kale Madaxwaynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in ay tahay tallaabadii koobaad ee xalka dagaalka ganacsiga, balse aan la wada xalin dhamaan farqigii u dhaxeeyay dalalkan gaar ahaan canshuurta ay Mareykanka soo rogeen.
     
    Shirkan ayaa u muuqday mid lagu dhameynayo dagaalka ganacsiga,balse taasi ma aysan suuragalin.
     
    Trudeau ayaa soo xirey Sabtidii shirkii dalalka toddobada ee G7, kaas oo Kanada uga socday laba maalmood.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.