Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Trump oo hakiyay dhaqaalihii Maraykanku ku taageeri jiray WHO
    Somalia

    Video:-Trump oo hakiyay dhaqaalihii Maraykanku ku taageeri jiray WHO

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 15, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu faray maamulkiisa in uu hakiyo dhaqaalaha la siinayo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

    Waxa uu sheegay in WHO ay “ku guuldareysatay waajibaadkeeda aasaasiga ahi” marka la eego jawaabta ay ka bixisay faafitaanka cudurka coronavirus.

    Madaxweynuhu waxa uu ku eedeeyay hay’addani Qaramada Midoobey in ay si xun u maaraysay isla markaana qarisay faafitaanka fayraska dhaliya cudurkani ka dib markii cudurkani uu ka dillaacay dalka Shiinaha, wuxuuna sheegay in ay khasab tahay in lala xisaabtamo.

    Trump ayaa horay hay’addaasi caafimaadka adduunka ee WHO ku eedeeyay in ay u xaglinayso Shiinaha.

    Madaxweyne Trump ayaa shakhsiyan gudaha dalkiisa lagu dhaliilay sida uu u maareeyay faafitaanka cudurkani.

    “Waxaan farayaa maamulkeyga in uu joojiyo dhaqaalihii uu siin jiray hay’addani, inta dib u eegis lagu sameynayo oo laga qiimaynayo doorka hay’addani caafimaadka adduunka ay ku lahayd sida xun ee loo maareeyay iyo qarinta xaqiiqada faafitaanka coronavirus,” , ayuu yiri Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo.

    “WHO waxay ku fashilantay waajibaadkeeda aasaasiga ahi, waana in lala xisaabtamo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo ka jawaabayay hadalka Trump ayaa sheegay in hadda aysan ahayn “wakhtigii dhaqaalaha laga jari lahaa hay’addaasi WHO.

    Mareykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo hay’addani WHO, waxa uuna sanadkii la soo dhaafay siiyay 400 oo milyan oo doolar – oo u dhiganta in ka yar 15% miisaaniyadda guud ee hay’addani.

    Dalka Shiinaha ayaa sanaddadii 2018 iyo 2019 waxa uu hay’addani ku bixiyay kharash gaaraya ku dhawaad 86 milyan oo doolar, sida lagu shaaciyay barta intarneedka ee hay’addani WHO.

    Hay’addani caafimaadka adduunka ayaa bishii Maarso codsatay 675 milyan oo doolar si gacan looga geysto la dagaallanka cudurkan safmarka ahi, waxaana la sheegayaa in ay qorshaynayso baaq kale oo ay ku dalbanayso ugu yaraan hal bilyan oo doolar.

    “Markii uu faafay cudurka safmarka ahi ee Covid-19, waxaan walaac weyn ka qabnay in deeqsi-nimada Mareykanka loo adeegsaday sida ugu wanaagsan ee suurtagal ahi,” ayuu yiri madaxweyne Trump.

    Dalka Mareykanka ayaa ah dalka sida ba’an u saameeyay faafitaanka cudurkani, kaasi oo haleelay 608,377 oo qof halka ay u dhinteen 25,981 oo qof.

    Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay WHO in ay ku guuldareysatay in ay sifiican u qiimayso cudurkani markii uu ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

    “Haddii WHO ay shaqadeeda qabsan lahayd oo ay khubaro caafimaad u diri lahayd dalka Shiinaha, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda dhabta ahi ee ka jirta dalkaasi isla markaana ay muujin lahayd daah furnaan la’aanta Shiinaha, waxaa la xakamayn lahaa fafitaanka cudurkaasi oo waxaa aad Iu yaraan lahaa dhimashada uu sababay,” ayuu yiri Trump.

    “Arrintaasi waxay badbaadin lahayd nolasha kumannaan kun oo qof, waxaana laga baaqsan lahaa waxyeelada dhaqaale ee adduunka ka soo gaartay cudurkan. Taa bedelkeeda, WHO waxay dhab u qaadatay hadalka Shiinaha, waxa ayna difaacday ficillada dowladda Shiinaha.”hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.