Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Trump oo mar kale wajahaya mooshin xil ka qaadis
    Somalia

    Video:-Trump oo mar kale wajahaya mooshin xil ka qaadis

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 11, 2021Updated:January 11, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xisbiga Dimoqraadiga ayaa Isniinta maanta ah billaabay dhaq-dhaqaaq dhanka sharciga ah oo ay xilka uga xayuubinayaan madaxweynaha uu waqtigiisa sii dhamaanayo ee Mareykanka, Donald Trump.

    Afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi ayaa sheegtay in maanta ay soo saari doonto qaraar ugu baaqaya Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wasiiradda, in ay adeegsadaan qodobka 25-aad ee dastuurka Mareykanka, kaasoo u ogolaanaya in madaxweyne Trump ay xilka ka qaadaan.

    Warqad ay u xalay u dirtay mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ee xubnaha ka ah Aqalka Wakiillada, ayay Pelosi ugu sheegtay in haddii uu madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence uu qaraarka uga jawaabi waayo muddo 24- saac gudahood ah, uu Aqalka Wakiilada si deg deg ah u guda gali doono xil-ka qaadista madaxweyne Trump.

    Pelosi waxay sheegtay in ay difaaceyso dastuurka iyo dimoqraadiyadda Mareykanka, iyada oo ku tilmaantay madaxweynaha nin khatar ku ah waddanka.

    Xil-ka-xayuubinta deg deg ah ee ku socoto madaxweyne Trump ayaa waxaa barbar socdo baaqyo is daba joog ah oo soo xoogeysanaya, kuwaasoo codsanaya in madaxweynaha lagula xisaabtamo rabshadihi ay taageerayaashiisa Arbacadi ku weerareen xarunta Koongareeska ee Capitol Hill, taasoo sababtay dhimashada shan qof oo uu ku jiray askari ka tirsanaa ilaalada xaruntaas.

    Haddii ay dhabowdo in xilka laga qaado, Donald Trump ayaa noqon doono madaxweynihi ugu horreeyay ee labada jeer xilka laga xayuubiyo taariikhda Mareykanka.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.