Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Trump Oo taageero uwaayay qorshihii diidmada heshiiska Nukleerka Ee Iran
    Somalia

    Video:-Trump Oo taageero uwaayay qorshihii diidmada heshiiska Nukleerka Ee Iran

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Dhammaan lixdii dal ee kale ee saxiixay heshiiska nukliyeerka ee Iiraan ayaa sheegay inay ka go’an tahay meelmarinta heshiiskaas, walow uu Madaxweyne Trump sheegay inuusan qadarin doonin heshiiskaasi.
     
    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu hakiyo dhaqangalka ka mid ahaanshihii Mareykanka ee heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan, taas oo horseedday cambaarayn ka timid quwadaha kale ee caalamka ee heshiiskaasi saxiixay.
     
    Trump ayaa sheegay in Tehraan ay dhowr jeer ku xadgudubtay heshiiskii 2015-kii ee lagu xakamaynayay barnaamijkeeda Nukliyeerka.
     
    Waxa uu sheegay inuusan heshiiska durbadiiba meesha ka saarayn balse uu kala saqeyn doono Congress-ka in dib u habeyn lagu sameeyo khaladaadka heshiiskaasi ku jira.
     
    Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa su’aal galiyay in Madaxweyne Trump ay u suuroobayso inuu kaligii uu meesha ka saaro heshiis Tehraan aanay la saxiixan Mareykanka oo kaliya balse ay qeyb ka ahaayeen Britain, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha iyo Jarmalka.
     
    Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in soo afjaridda heshiiskan aanay hal madaxweyne gacanta ugu jirin.
     
    Ruushka ayaa ku dhaleeceeyay Madaxweynaha Mareykanka inuu adeegsanayo hadallo daandaansi iyo cabsigelin ah.
     
    Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya oo labaduba ay Iiran cadaw u tahay ayaa ammaanay go’aanka Madaxweyne Trump,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/8pRxmKDkTpk

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.