Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Ugu danbayntii Uhuru iyo Odinga Oo kulmay kuna heshiiyay in ay dalkooda badbaadiyaan
    Somalia

    Video:-Ugu danbayntii Uhuru iyo Odinga Oo kulmay kuna heshiiyay in ay dalkooda badbaadiyaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 9, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxwaynaha dalka Kenya iyo hogaamiyaha mucaaradka ayaa balanqaaday in ay bilaabayaan geedi socod dib u heshiisiin ka dib doorashadii sida kulul loogu tartamay sanaddii aanu soo dhaafnay.
     
    Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay ka dib markii ay yeesheen kulankoodii ugu horreeyay tan iyo doorashadii.
     
    Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhamitay ka dib muran ka dhashay doorashadii dalkaasi ka dhacday.
     
    Horraantii sanadkan, Mr Odinga ayaa isu dhaariyay “madaxwaynaha shacabka ” waxa uuna diiday in uu Mr Kenyatta u aqoonsado in uu doorashada ku guulaystay oo uu madaxwayne yahay.
     
    Horey waxa ay labada dhinac ugu gacan seyreen wadahadal ay yeeshaan.
     
    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa lagu wadaa in maanta uu booqasho ku tago caasimadda Kenya ee Nairobi.
     
    Shirka jaraa’id ee ay sida wadajirka u qabteen ayuu madaxwayne Kenyatta waxa uu Mr Odinga ku tilmaamay “Walaalkii”.
     
    Mr Kenyatta ayaa yiri: “waxa aan billaabaynaa geedi socod aan uga wadaxaajoonayno halka ay dhibaatada naga haysato iyo waxa nakala qaybinaya.”
     
    Mr Odinga aya sheegay “in la joogo waqtigii la xalin lahaa farqiga ino dhaxeeya “.
     
    Madaxwayne Kenyatta ayaa markii labaad xilka loo dhaariyay bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay.
     
    Waxa uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Kenya ka dhacday bishii October, taasi oo Mr Odinga uu qaadacay.
     
    Doorashadii guud ee Kenya ayaa markii hore la qabtay bishii August , balse maxkamad ayaa amartay in dib loogu celiyo , iyada oo sheegtay in guushii Mr Kenyatta ay wax isdabamarino badan hareeyeen,hoos ka daawo muuqaalka.
     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/TzxPnPztc-8

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.