Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Waare oo dhabarka saartay isku daygii baajinta Safarkii Shariif iyo Xasan Ee Beledweyne
    Somalia

    Video:-Waare oo dhabarka saartay isku daygii baajinta Safarkii Shariif iyo Xasan Ee Beledweyne

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ”Waxaan helay oo la ii soo diray warbixin ah in 600 oo mitir oo Run Way -ga ah gaar ahaan dhinac bidix ay biyo fadhiyaan sawiradda waa leyla soo wadaagay in aysan diyaaraduhu ku deggi karin gaar ahaan diyaaradaha waaweyn, arintan waxaan ku wargaliyay oo aan wacay subaxnimadii hore ee saakay madaxweyne Xassan Sheekh waan ka xumahay markii aan la wadaagay macluumaadkaas waxaa uu iigu jawaabay Adiga madaxweyne ayaa tahay maxaa kaa galay arintaas, Waa runtii Aniga howshaa kuma mashquulo, laakiin maanta madaama ay xasaasi aheyd, wafdiga socdana uu ahaa mid muhiim ah Labo madaxweyne hore, xildhibaanno iyo xaalada oo laga deyrinayo, safarkuna yahay mid sare go’aankaa ah degista iyo duulista diyaaradaha in aan aniga qaato ayeey ila noqotay ayuu yiri madaxweyne Waare.
    Madaxweyne Waare ayaa eedeyn gaar ah u jeediyay duuliyaha diyaaradaha oo sida uu hadalka u dhigay ahaa shaqsiga qaatay go’aanka ah in uu wafdiga ula safro magaalada Beledweyne isaga oo ku celcelinaya in uu ka degi karo Garoonka.


    ”Waxaan rabaa in aan halkan ka sheego wax kasta oo dhibaato ah oo arintaa ka imanaya waxaa kula xisaabtameynaa shirkadda iska leh diyaarada qaaday Wafdiga iyadoo la leeyahay Garoonkii laguma degi karo, waxey aheyd arin aan wanaagsaneyn oo waliba khatarteeda leh, sidaa daraadeed waxaan la xisaabtami doonnaa shirkadda diyaaradaa ka degtay magaalada Beledweyne” ayuu yiri madaxweyne Waare.


    Madaxweyne Waare,ayaa isku dayaya in uu meesha ka saaro xanta iyo tuhunka sheegaya in madaxda Dwolada Dhexe ay ka danbeeyaan isku dayida baajinta socdaalkii Madaxweynayaashii hore ee Xasan iyo Shariif.


    Warar aan ka helnay Ilo lagu kalasoonaan karo,waxay tilmaamayan in madaxda Dowlada dhexe ee Fadaraaliga ah ay dhibsanayaan tagida Beledweyne ee Madaxweynayaashii hore,iyagoo u arka olale doorasho oo ka dhan ah,hoos akd aawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.