Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu danbeeyay Ee Qaraxii Beledweyne
    Somalia

    Wararkii ugu danbeeyay Ee Qaraxii Beledweyne

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 16, 2021Updated:October 16, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday saldhigga booliiska magaalada.

    Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo ay sababtay miino ku qaraxday gudaha saldhigga booliiska Baledweyne.

    Sida ay VOA u sheegeen mas’uuliyiin goobta gaartay oo codsaday inaan magacooda la sheegin, waxaa dadka ku dhintay qaraxa ka mid ah Duqqii degmada Feerfeer ee Soomaaliya Khaliif Garaad Rooble iyo gabar ciidanka booliska ka mid ahayd.

    Waxaa sidoo kale la sheegayaa in ay qaraxaas ku dhaawacmeen dad uu ka mid yahay taliyaha saldhiga booliska Baledweyne, Maxamed Qoorsheel.

    VOA waxa ay xiriir dhanka telfoonka ah isku dayday in ay la samayso mas’uuliyiinta hay’adaha Amniga si faahfaahin dheeraad ah aan uga helno qaraxan, hase yeeshee nooma suurta galin in aan ku helno khadka telefoonka.

    Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxa inkastoo weerarradan noocan ah ay inta badan gaystaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.