Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Wasaaradda Degaanka Puntland oo qeybisay 2000 oo Burjikooyinka dhuxusha tashiila+Sawirro
    Puntland

    VIDEO: Wasaaradda Degaanka Puntland oo qeybisay 2000 oo Burjikooyinka dhuxusha tashiila+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland ayaa Magaalada Garoowe ka qaybisey Burjikooyinka tashiila dhuxusha si loo yareeyo xaalufka Deegaanka.

    Qeybinta Burjikooyinkan dhuxusha tashiila oo aheyd wajigii labaad ayaa si guud looga qeybiyay Gobalada Nugaal, Mudug, Sanaag, Sool iyo Bari, Burjikooyinkan la qeybiyay ayaana tiradoodu ay gaareysaa 2000 kun oo Burjiko.

    Agaasimaha Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland Cabdi Ciise Cilmi koor, oo sharaxay qeybinta Burjikooyinkan dhuxusha tashiila, ayaa sheegay inay yihiin Wajigii labaad, isagoona sheegay in Wajigii kowaad lagu qeybiyay illaa 7000 oo burjiko.

    Agaasimaha Wasaaradda Degaannada Puntland ayaa xusay in Burjikooyinka maanta laga qeybiyay Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Xiingalool, Buraan iyo Boocame, isagoona sheegay in qiimeyn ay sameysay Wasaaraddu ay ku ogaatay inay wax badan ka badaleen Isticmaalka Dhuxusha oo ay yareysay.

    https://www.facebook.com/HubaalPro/videos/772400259853653/

    Ugu dambeyntii, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada ahna kusimaha Wasiirka Marwo. Faaisa Cali ismaaciil oo Burjikooyinkan ku wareejisay gudoomiyeyaasha xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe, ayaa sheegtay inay rajaynayso in burjikooyinkani ay qayb-wayn ka qaataan tashiilada isticmaalka dhuxusha si loo yareeyo baahida loo qabo dhuxusha iyo in bulshadu ay hoos u dhigto am aka kaaftoonto dhaqaalaha faraha badan ee lagu baxsho dhuxusha iyo Xaabada.

    Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland  ayaa u bilowday bixinta Burjikooyinkan dhuxusha tashiila si ay u fuliso siyaasada dawlada Puntland oo ah in si aad ah hoos loogu dhigo isticmaalka dhuxusha si mustaqbalka dhow guud ahaanba Puntland ay uga kaaftoonto isticmaalka dhuxusha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.