Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wasiir Anisa H. Mumin oo soo bandhigtay waxqbadkeedii, Dhambaal-na u dirtay Isinkeeda & M-Gaas.
    Somalia

    Video:-Wasiir Anisa H. Mumin oo soo bandhigtay waxqbadkeedii, Dhambaal-na u dirtay Isinkeeda & M-Gaas.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 13, 2017Updated:August 13, 2017No Comments5 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasiirkii hore ee Wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa maanta xilkii ku wareejisay Wasiirka cusub ee Wasaaradaas Madaxweyne Gaas usoo magacaabay.
     
    Anisa ayaa madasha xil wareejinta kusoo bandhigtay waxqabadkeedii mudadii ay hogaaminaysay Wasaarada,
     
    Hadaba waxqabadka Wasiirad Anisa oo ah xaqiiqdii ah mid aan la dhayalsan karin aadna u sareeya ayaa u qornaa sidatan:-
     
     
    Siyaasadda daryeelka dadban ee caruurta dayacan.
    Siyaasadda ka hortaga gudniinka gabdhaha.
    Siyaasadda horumarinta haweenka
    Siyaasadda guud ee caruurta Puntland
    Wasaaradda ayaa sidoo kale dejisay qorshe hawleedyo dhowr ah, kuwaasi oo intoodii badnayn ay hirgaleen.
     
    Qorshe howleedyada
     
    Qorshaha qoondada miisaaniyadda haweenka
    Wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska dowladda Puntland ayaa dhameystirtay isla markaana daahfurtay qorshaha qoondada miisaaniyadda Haweenka, qorshu wuxuu xooga saarayaa in haweenka loo sameeyo miisaaniyad u gaar ah howlahooda.
     
    Qorshaha taaba gelinta Jinsiga
     
    Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa daah-furay qorshaha taaba galinta jinsiga , oomihiimada siinaya in haweenka laga qayb galiyo dhamaan shaqooyinka ka socda wadanka.
     
    Mashaariic kala duwan oo si toos ah u taabanaya dadka shacabka ah ee reer Puntland ayay W/Haweenka iyo arimaha qoryska oo kaashanaysa hay’adaha kale ee dalwada iyo kuwa caalami ahba ay ka hir gelisay gobolada kala duwan ee Puntland.
     
    Mashaariicdaas waxaa ugu waawayn:-
    Mashaariicda horumarineed ee haweenka iyo caruurta.
     
    Mashruuca taakulaynta qoysaska danyarta ah.
    Mashruuca daryeelka caruurta ee Norad
    Mashruuca daryeelka caruurta aan walidkood la noleyn ( Foster Care Project ).
     
    Mashruuca horumarinta haweenka (Civsam)
    Mashruuca (Snap) oo ka shaqaynaya ka hortaga tacadiyadda iyo daryeelka caruurta
    Mashruuca daryeelka caruurta horumarinta haweenka ee (Irish Aid).
     
    Mashruuca dhowrista caruurta ee Child Protaction
     
    Dhismayaasha Xarumaha Wasaaradda Haweenka Puntland ee la hirgeliyay intii ay xilka haysay Anisa Xaaji Muumin.
     
    1-Dhismaha Xarunta Haweenka ee Boocame.
    2-Xarunta Haweenka ee Xarfo.
    3-Xarunta Haweenka ee Badhan.
    4-Xarunta Haweenka ee Gol-dogob
    5-Xarunta Haweenka ee Carmo.
    6-Xarunta Naafada Puntland.
    7- iyo ugu danbeyn Xarunta dhexe ee Wasaaradda oo loo dhisay qaab casri ah oo ka duwan qaabkii hore ee loo dhisi jiray guryihii hore ee dowladda.
     
     
    Dhanka kale Wasiirada hore Haweenka Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa ka hadshay sababta ay ku wayday xilkii wasiirnimo ee ay soo haysay sadexdii sano ee u danbaysay,waxyna tiri ayadoo arintaas si xoog leh u sharaxaysa sida tan..
     
     
    “Waxaa dad badan is weydiinayaan sababta aanan ugu jirin Wasiirada cusub, Walaalayaal sababtu waa hal qodob oo ah meeshii la iga rabay in aan qabiilkayga u shaqeeyo, ayaan u shaqeeyay dhamaan dadweynaha reer Puntland.
     
    Meshii la iga rabay inaan Xildhibaanada Beesha iyo Isinkayga qanciyo ayaan shacabkii aan u dhaartay qanciyey. Hadii Wasiir walba uu beeshiisa u shaqeeyo, sidee loo helaya Puntland-ta aan ku hamineyno?
     
    Hadii Xildhibaanku dabagalo Wasiirka shaqeynaay isagoo tiisa eegaya asna uu dalka waxba kusoo kordhineyn,see metelaad ugu noqonaya shacabka iyo deegaamada ay kasoo jeedaan oo ay ka jirto nolol aad iyo aad u xun!
     
    Waxaan idiin sheegaya qofka markuu kitaab maro , ma’ahan inuu illoowo kitaabka iyo dhaartii uu maray ee uu xasuusto xilka uu hayo, waayo xilkan waa magac wuuna baa ba’aa,.
     
    Laakiin Kitaabka aad martay waa axdi iyo ballan gaar ah oo aad illaahay la gelayso. Kan bani’aadanka aad la gelayso waa qiimeynaysaa , kan illaahay aad la gelaysona ma qiimeyn kartid taasna waa mid adiga kugu soo noqonaysa!
     
    Maantana Puntland waxaa ka jira waxay tahay Xildhibaano iyo Isimo wasiiradii iyo dadkii dalka u shaqeynayey ee daacada ahaa kula dagaalamaya ugana dabo shaqeynaya, in ay ka dhiidhiyaan keliya si ay musuq maasuq ugu dhaqmaan, aysana ugu shaqeyn sidii daacada aheyd, ugana dhabeeyaan Axdigii ay Illaahay la galeen.
     
    Reer Puntlandow hada kahorna waa idin iri qabiil ha iigu hiilinina shaqadeyda iigu hiiliya, kartidaydana iigu hiiliya, Kitaabka markaan marayey cidna shaqada ugama heybaysaneeyn, walaa Isin walaa xildhibaan, ee waxaan uga heybaysanayey Illaahay dartiis.
     
    Reer Puntland idinkay idinku xirantahay qof Axdiga illaahay rumeeya inuu idiin shaqeeyo oo idiin yimaado, ama gabar ha ahaado ama wiil ha ahaado.
     
    Idinkay idinku xirantahay inaad heshaan Isin danihiina ka talinaya , idinkay idinku xirantahay inaad heshaan Xildhibaano danihiina ka talinaya, waayo xildhibaanka ku dagaalamaya Wasiir aniga oo kale ah inaan shaqeeyo waa xildhibaan doonaya jeebkiisa waxa ku dhacaaya.
     
    Xildhibaanada noocaas ahna, wadankana uma shaqeyn karaan sharafna uma soo hoynkaraan Puntland, sababto ah Puntland waa dad isku xiran , waa dad usoo dhabar jabay dantooda, waxayna istaahilaan in lagu qiimeeyo wanaagooda, waxay istaahilaan in daacadnimadooda loogu shaqeeyo,
    waxayna istaahilaan in aqoon iyo karti lagu soo kordhiyo laguna dhiirigeliyo in howshii ay ummada u wadeen ay hore u wadaan, ee maahan ummada u shaqeynaysa intii dhabarka laga jebiyo in la hor istaago horumarkii ummada gaari lahayd.
     
    Waxaan kusoo geba gebeynaya isku duubnaada saa shalay ii garab taagneydeen fadlan wasaarada Haweenka u garab istaaga, Fadlan shaqadii ka dhabeeya, Fadlan ha noqonina dadkii kufay ee kici waayey, ee inta kacdaan is garab qabsada oo hore u socda”.
     
    Hoos ka daawo muuqaalka barnaamij ay ku wareejisay xilkii Wasaarada haweenka maanta.
     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

    https://youtu.be/lFqzVJ0SPjY

    Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

    https://youtu.be/1n-zUBMWc_c

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.