Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wasiir Sabriye”Ahlusunna ha joojiso isbaarada”
    Somalia

    Video:-Wasiir Sabriye”Ahlusunna ha joojiso isbaarada”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 1, 2019Updated:November 1, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiir Sabriye ayaa sheegay in Ahlusuna ay markii dambe arrinka ku soo xirtay wax u dhigma 35% in laga siiyo Baarlamaanka ama albaabka wada hadalka uu xiran yahay, isagoo xusay in arrintaas ay keentay inay ka eegaan danta in haddii Ahlusuna albaabka xirato ay adkaato in la dhiso Galmudug oo mid ah iyo in dalabkooda loo fuliyo, isla markaana markii dambe la huri waayay in tooda in loo fuliyo.

    “Fahamkeyga wareegtada ay baraha bulshada ku faafiyeen Ahlusuna ee ay rabaan in caddeyn uga dhigtaan in laga balan-qaaday 35 ka mid ah in laga siiyo 89-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Galmudug intaas cid dafirtay oo aan ogahay ma jirto, sida horay u sheegay waa qiimihii looga iibsaday Midnimada Galmudug iyo albaabka wada hadaladu inuu furmo”ayuu yiri Wasiir Sabriye.

    Waxaa uu sheegay in Ahlusuna ay degdegso, isla markaana sidii loo fulin lahaa balan-qaadkaas iyo jidka loo marayo aan waqtigeeda la gaarin sida uu yiri.

    “Waxay u muuqataa in Ahlusuna wal-jameeca aysan arrimaha wax badan iska weydiin, dowladda federaalka juhdi kasta ayay ku bixineysaa in balan-qaadkaas fulo, waxaase la rabaa in la ogaado in dastuurka federaalka iyo dhammaan kuwa dowlad goboleedyada si cad u qeexayaan in xulista Xildhibaanada Golaha wakiilada dowlad goboleed kasta ay tahay mas’uuliyadooda dhaqanka beelaha degan dowlad goboleedyada, dowladda federaalka waxay garowsan tahay cida 35 xildhibaan ee Ahlusuna loogu tagayo ay tahay odayaasha dhaqanka Galmudug, dowladda federaalka waxay diyaar u tahay inay u ergeyso kana codsato dhaqanka Galmudug inay la meel mariyaan qaanta ay u qaadeen danta iyo midnimada iyo xal u raadinta Galmudug”ayuu yiri Wasiir Sabriye oo u muuqday nin ka fogeynayay dowladda Federaalka mas’uuliyada iyo fulinta fulinta balan-qaadyadii ay wada galeen Ahlusuna ee ku aadan 35-ta Xildhibaan ee markii hore heshiiska lagula galay Ahlusuna, balse cida ay ka go’an tahay ay tahay dhaqanka Galmudug.

    Waxaa uu ugu baaqay Ahlusuna inay joojiyaan degdegta iyo xurmo darada, isagoo ugu baaqay Ahlusuna Wal-jameeca inay ka qeyb qaataan hannaanka maamul u dhisida Galmudug, ayna joojiyaan jidgooyada ay u dhigayaan hannaanka xulista Xildhibaanada Galmudug iyo Maamul dhisida Galmudug,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.