Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Weerar ka dhacay Saldhig Maraykan Oo ku yaala Sacuudiga
    Somalia

    Video:-Weerar ka dhacay Saldhig Maraykan Oo ku yaala Sacuudiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 7, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Weerarka uu ardeyga u dhashay Sacuudiga ka dambeeyay wuxuu boqor Salmaan ku tilmaamay “mid wuxuushnimo ah”, sida madaxweyne Trump laga soo xigtay.

    Wuxuu Trump bartiisa Twitter-ka ku qoray in boqorka uu telefoonka ka wacay si uu “si daacadnimo ah uga tacsiyeeyo”.

    Ardeyga u dhashay Sacuudiga oo baranayay duullimaadyada ciidamada Cirka wuxuu dilay seddax qof, wuxuuna dhaawacay siddeed qof oo kale, ka dib ayaana isagii la toogtay.

    Maayarka gobolka uu saldhigga ku yaallo ee Florida, Ron DeSantis wuxuu sheegay in dowladda Sacuudiga ay “hadda magdhow ka doonayaan qoysaska dhibbanayaasha”.

    Ardeyga weerarka qaaday waxay warbaahinta Mareykanka ku magacaabeen Maxamed Saciid Alshamrani. Wuxuuna weerarka u adeegsaday bastoolad.

    FBI-da weli ma aysan shaacin sababta weerarka ku kalliftay ardeyga, balse waxay barayaan in xiriir argagixisa uu jiro.

    “Waxa jiro warar badan oo la isla dhexmarayo, balse FBI waxay eegtaa xaqiiqooyiinka oo keli ah,” ayuu sheegay sargaalka gaarka ah Rachel Rojas oo shir jaraa’id qabtay xalay.

    Sucuudi Carabiya waa xulafo muhiim u ah Mareykanka ee Barig Dhexe, waxaa in mudda ah labada dal ka dhexeeyay is dhaafsiga barnaamijyada militariga.

    Toogashadanna waxay su’aal gelisay baaritaanka lagu sameeyo saraakiisha militari ee dibadda ka taga ee lagu tababaro xeryaha ciidamada Mareykanka.

    Waa weerarkii labaad ee isbuucan ka dhaca saldhig tababar oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

    Bad-maaxe u dhashay Mareykanka ayaa dilay laba qof oo militari ahayd oo ay isla shaqeynayeen. Wuxuu weerarkaa Arbacadii ka dhacay saldhigga ciidan ee Hawaii,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.