Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Weeraro kale oo Booliska Spain ay fashiliyeen iyo baadi goob xoog leh oo socda
    Somalia

    Video:-Weeraro kale oo Booliska Spain ay fashiliyeen iyo baadi goob xoog leh oo socda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 18, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baadigoob xooggan ayaa ka socda dalka Spain kadib markii weerar argagixiso oo loo adeegsaday laba baabuur ay 13 qof ku dileen islamarkaana 100 kale ku dhaawaceen magaalada Barcelona ee gobolka Catalonia.

    Weerarkan oo dhacay khamiistii ayaa nin wada baabuur Van ah wuxuu ku jiiray dad ku sugnaa waddada caanka ah ee Las Ramblas.

    Ninka baabuurka wada ayaa lug ku baxsaday, waana la raadinayaa illaa iyo hadda.
    Booliiska ayaa khamiistii xiray laba qof oo u kala dhashay dalalka Morocco iyo Spain, hase yeeshee weli ma cadda sida ay ugu lug lahaayeen weerarka.

    Qof saddexaad ayaa maanta lagu xiray magaalada Ripoll ee waqooyiga gooblka Catalonia, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Catalonia Joaquim Forn.

    Weerar kale oo kaas la mid ah ayaa saacado kadib waxaa xeebta Cambrils ee Barcelona uu baabuur ku jiiray dad meel taagnaa iyo boolis.

    Booliiska ayaa dilay shan nin oo weerarka soo qaaday oo ay sheegeen inay xirnaayeen suumanka qarxa, oo markii dambe la ogaaday inay ahaayeen kuwa been abuur ah.

    Lix qof oo rayid ah iyo sarkaal boolis ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaas,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.