Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Xogta dagaalkii maanta oo dhamaystiran
    Somalia

    Video:-Xogta dagaalkii maanta oo dhamaystiran

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 24, 2018Updated:May 24, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ciidamada Difaaca Puntland waxay saaka ku dhaqaaqeen hawlgalkii dib uxoraynta Sool, waxayna ka hawlgaleen sadex jiho.
     
    Jihooyinka ay Ciidamadu ka hawlgaleen ayaa kala ah:-
     
    1.Jihada ay ka hawlgaleen Guutada Caano ka dhan. oo ku aadan Galbeed.
     
    2.Jihada ay ka hawlgaleen Guutada Godod.oo ku aadan Galbeedka.
     
    3.jihada ay ka hawlgaleen Guutooyinka isku dhafka ah ee ku aadanaa Laamiga dheer.
     
    5:30 habeenimo markay saacada bariga africa ku aadanayd ayuu hawlgalku si toos ah ubilowday.
     
    Dagaal kharaar oo si adag loo xaajaystay kadib,waxay Ciidamada Difaaca Puntland horumar weyn ka sameeyeen goobihii dagaalka ee laamiga ka baxsanaa ee xigay galbeedka.
     
    Labada Guuto ee Caano ka dhan iyo Godod,ayaa jiiray difaacii horyaalay ,islla markaana jabiyay horumar weyna ka sameeyay goobta dagaalka.
     
    Labadaa Guuto waxay gaareen oo qabsadeen Masaafo dheer ilaa ay markii danbe gaareen talsikii Maleeshiyada Jeegaanta,halkaas oo ay gudaha ugu daateen khasaare xoog lehna gaarsiiyeen.
     
    Labada Guuto ee Caano ka dhan iyo Godod waxay maleeshiyada Jeegaanta kaga gubeen dagaalkaas isku dar 14-tikniko ah,sidoo kale waxay kaga dileen maleeshiyaad aad u fara badan oo gaaaraya ilaa 103 Nin.Sidoo kale waxay kaga dhaawaceen dagaallkaas in ka badan 150-Nin.
     
    Maleeshiyada jeegaantu waxay dagaalkaas ku waayeen Laba sarkaal oo kala haystay hawlgalinta maleeshiyaadkooda.
     
    Maleeshiyada jeegaanta sidoo kale waxaa dagaalkaas looga qabsaday Maxaabiis gaaraysa 14-Nin iyo Afar Gaari oo kuwa dagaalka ah.
     
    Dagaalkan maanta waxaa aad ugu jabay markii la eego dhanka Maleeshiyada Jeegaanta beelaha Habarjeclo iyo Jaamaca Siyaad.
     
    Guutooyinka Caano ka dhan iyo Godod waxay ku hakadeen dhulkii ay qabsadeen oo fariisin ka samaysteen.
     
    Dhanka kale Guutooyinkii isku dhafka ahaa ee Ciidamada difaaca puntland kuna aadanaa Laamiga dheer ma samayn wax horumar weyn ah oo goobta dagaalka ah,waxaana ku adkaatay jiirida difaacii hor taagnaa.
     
    Guutooyinka isku dhafka ah waxaa iska caabin xoog leh kalakulmeen Maleeshiyaadka Jeegaanta ee dhufaysada aad loo qoday ka samaysatay halkaas.
     
    Horay usocod la’aanta Guutooyinka ku aadanaa Laamiga dheer waxay sababtay in dagaalka loo nasto oo markale dib loogu laabto,balse majirin wax horumar weyn ah oo la sameeyay.
     
    Ciidamaa difaaca Puntland khasaaraha kasoo gaaray dagaalka maanta ayaa kala ahaa:-
     
    1.Dhimasada sadex Askari
     
    2.Dhaawaca sideed kale,
     
    3.Waxaa looga gubay dagaalka maanta labo Gaari oo kwua dagaalka ah.
     
    Ciidamada Difaaca Puntand waxay caawa kaga sugan yihiin aaga dagaalka goobo kala duwan,
     
    Isku soo wada duuboo Ciidamada difaaca Puntland guulo la taaban karo ayay ka gaareen dagaalkii maanta,waxaana la filayaa in maalinka Beri foog uu dhaco dagaal aad u culus.
     
     
     
     
     
     
     
    Jibril Qoobey.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/cV8hs816Y6k

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.