Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Villa Somaliya oo ugu danbayntii aqbashay dalabkii Imaaraadka!!
    Somalia

    Villa Somaliya oo ugu danbayntii aqbashay dalabkii Imaaraadka!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 16, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booqashadii ra’isalwasaaraha itoobiya Attoo Abiye Ahmed uu kusoo gaaray Muqdisho ma ahayn wax lala yaabo ama mucjiso taariikhda gashay noqon kara.

    Abiye ayay si gaar ah ugu ahayd markii ugu horaysay ee uu yimaado Somaliya isagoo ra’isalwasaare ah,balse in ra’isalwasaare Itoobiya xukumaa uu yimaado Somaliya waa wax iska caadi ah oo in badan dhacday,iyadoo waliba xaalku sida hada uu yahay uu kasii adkaa.

    Sidoo kale heshiis qurux badan oo qodobo door ah ka kooban in lawada galo oo lakala saxiixdo mahan iyaduna wax cusub..

    Balse Qodobka soo jiidashada lahaa lana oran karo booqashada Abiye ee Muqdisho way daarnayd,ayaa ahaa…

    1.Qodobka 7.aad,kaasoo qeexayay markii la jilciiyo in Emiraatka ay la heshiiso Villa Somaliya,sidoo kale Dekedihii ay shalay diidanayd maanta ay wareejiso.

    Villa Somaliya maxaa ku khasbay in ay u tanaasusho Imaaraadka ayaa iswaydiin mudan,balse jawaabtu waa cadahay oo waxaa ku khasbay labadan arimood ee kala ah…

    B.In ay ka nabad galaan dagaalka Imaaraadka

    T. In ay Dowlad Goboleedyada iyo Imaaraadka kala dhex galaan si awooda Dowlad Goboleedyadu uwiiqanto.

    Villa Somaliya ayaa aad u danaynaysa ku dhawaanshaha Imaaraadka,iyadoo dhanka kalena ku dadaalaysa in aysan lumin kalsoonida Dowlada yar ee leh saamaynta dhaqaale iyo sirdoon ee Qatar.

    Todobaad ka hor ayay ahayd markii Madaxweyne Farmaajo booqasho ku gaaray Nayrobi,isla markaana la kulmay Madaxweyne Uhuru.

    Xogaha laga helay kulankaas ayaa tilmaamayey in Farmaajo ka codsaday Uhuru dhexdhexaadinta Itoobiya iyo Villa Somaliya.

    Waxaa la rumaysan yahay in Madaxweyne Uhuru aqbalay codsigaas isagoo xeerinaya dabaca ay Villa Somaliya ka muujisay Dacwadii Badda ee kala dhaxaysay Somaliya.

    Ra’isalwasaare Abiye ayay si gaar ah ugu ahayd markii ugu horaysay ee uu yimaado Somaliya isagoo ra’isalwasaare ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.