Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Virus cusub oo kasoo ifbaxay Dalka Shiinaha
    Somalia

    Virus cusub oo kasoo ifbaxay Dalka Shiinaha

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 10, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Seynisyahannada caafimaadka ee Shiinaha ayaa u kuur galaya fayras cusub oo kasoo gudbay xayawaanka kaasoo ka dillaacay dhinaca dhinaca bari ee dalkaas.

    Tobannaan qof ayuu ku dhacay fayraskan, ilaa hadda.

    Fayraskan oo lagu magacaabo “The novel Langya henipavirus (LayV)” ayaa laga helay 35 qof oo bukaan ah oo ku sugan gobollada Shandong iyo Henan.

    Inta badan dadka ayaa lagu arkay calaamado ay ka mid yihiin qandho, daal xad-dhaaf ah iyo qufac.

    Waxaa la aaminsan yahay in bukaannadu ay fayraska ka qaadeen xayawaanno.

    Hase yeeshee ilaa hadda wax caddayn ah looma hayo in fayraska LayV ay bani’aadanka isu sii gudbin karaan.

    Cilmi-baareyaasha ayaa ogaaday in fayraskan uu u xayawaanka afka qalaad lagu dhaho “shrews” oo u eg mid ay Soomaalidu u taqaan “walo-sandheer”.

    Xogta ku saabsan hlista fayraskan cusub ayaa lagu sheegay warqad ay si wadajir ah u qoreen seynisyahanno kasoo kala jeeda Shiinaha, Singapore iyo Australia, waxaana bishan lagu daabacay Majalladda “New England Journal of Medicine”.

    Mid ka tirsan cilmi-baareyaasha, oo lagu magacaabo Wang Linfa, oo ka socda Dugsiga Caafimaadka Duke-NUS ee Singapore, ayaa wargayska dowladda Shiinaha ee Global Times u sheegay in kiisaska LayV ee ilaa hadda la helay aysan ku jirin dhimasho ama xanuun halis ah, sidaas darteedna “aan loo baahnayn in la argagaxo”.

    Hase ahaatee, Mr Wang waxa uu sheegay in weli loo baahan yahay in loo feejignaado fayrasyada jira ee aan la saadaalin karin natiijadooda marka ay bani’aadanka u gudbaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.