Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa imisa tirada duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya ?
    Somalia

    Waa imisa tirada duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 29, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Talisk Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaciyay tirada rasmi ah ee duqeymaha diyaaradeed ay sanadkaan 2020 ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

    War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya 8-dii bilood ee la soo dhaafay ka fuliyeen 46 duqeyn, kuwaasi oo ka dhacay deegaanada Gobolada dalka ay ka sugan yihiin Al-shabaab.

    Sidoo kale AFRICOM ayaa tilmaamtay in duqeymaha qaarkood lala eegtay fariismo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan, balse aysan soo bandhigin dhammaan Khasaaraha ka dhashay duqeymaha.

    Waxaa kaloo Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika uu sheegay in saddex weerar oo dhinaca Cirka ay Al-shabaab la beegsadeen inta u dhexeeysay bilowga bishaan Agoosto iyo 20-keedii.

    Ugu dambeyn Taliska AFRICOM Qoraalka ay soo saareen kuma aysan shaacin Khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray duqeymaha ay sanadkaan ka geysteen Soomaaliya, in kastoo ay jiraan khasaare dadka shacab ah kasoo gaaray duqeymahaas.

    Ciidanka Kumaandoosta Danab iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee duuliye la’aanta ayaa duqeymo kala duwan inta badan ka fuliya deegaanada Gobolada dalka ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.