Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa kumaa ninka Maraykanku shanta Milyan dolar ay madaxiisa kor dhigeen?
    Somalia

    Waa kumaa ninka Maraykanku shanta Milyan dolar ay madaxiisa kor dhigeen?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 21, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa ayaa shaacisay in lacag dhan $5 milyan oo dollarka Mareykanka ah ay siin doonto ciddii keenta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Jihaad Serwaan Mustafa oo loo yaqaan Axmed Gurey oo la rumeysan yahay inuu xubin sare ka yahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

    “Mustafa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay muwaadinka ugu darajada sareeya ee u dhashay Mareykanka ee dibada uga soo dagaalama urur argagixiso,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Robert Brewer. “Maamulka argagixisada Al-Shabaab waxay khatar ku tahay amniga qaranka Mareykanka, xulafadayada caalamiga ah iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.”

    Waxaa uu Mustafa ka mid yahay dadka loogu baadi-goobis badan yahay islamarkana ku jira liiska FBI.

    Waa kumaa Serwan Mostafa
    Mustafa wuxuu ku dhashay Wisconsin wuxuuna ku koray San Diego, sida ay shegeen sarakiisha Mareykanka.

    Waxa uu ku soo barbaaray xaafadda Serra Mesa, waxa uuna ka qalin jabiyay dugsiga sare ee magaaladaas. Markii uu dugsiga sare dhameeyay waxaa uu ku biiray Jaamacadda California, San Diego,halkaasi oo uu ka qalin-jabiyay sanaddii 2004.

    Sanaddii 2005 isaga oo ay da’diisu tahay 23 jir ayuu Mustafa sida la sheegay ku biiray kooxda Al-shabab. Waxa uu culuumta diinta islamka ka bartay xarunta Islaamiga ah ee San Diego ee Kearny Mesa,.

    Aabihii, oo lagu magacaabo Xaliim Mustafa Gabori islamarkaana asal ahaan ka soo jeeda Kurdiyiin reer Suuriya kuna noolaa San Diego ayaa geeriyooday 2018 sida mid ka mid saaxibadiisa u sheegay warbaahinta Fox News .

    Hooyadii, Sumeeya, waa macalimad iskuul oo ka soo shaqeysay gobolo iyo dalal kala duwan, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka.

    Mustafa ayaa wajahaya dacwado kala duwan oo ay ka mid tahay shirqool lagu taageerayo argagixisada, ajnabiga ah iyo in taageero agab ah uu siiyo urur argagixiso shisheeye.

    Haddii lagu helo dambiga lagu soo oogay, wuxuu wajihi doonaa ilaa 55 sano oo xarig ah iyo $750,000 oo ganaax ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

    Eedaha loo haysto”

    Mid ka mid ah eedaha loo haysto waxaa ka mid ah weerar alshabaab ay bishii September 2019-kii ku qaadeen garoonka Balidoogle ee Soomaaliya, halkaas oo uu Maraykanka ku tabobaro ciidamada Soomaaliya.

    Waxaa la sheegay in uu Alshabaab ku biiray sanadkii 2006-dii.

    Sida lagu sheegay war saxaafadeed shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Mustafa waxa uu Alshabaab u qaabilsanyahay dhanka tabobarista ciidamadooda, isaga oo sidoo kale ah ninka u dhaxeeya Alshabaab iyo ururada kale ee argagixisada ah. Waxaase ugu weyn ee ay wasaaradda sheegay in uu hormuud ka yahay barnaamijka qaraxyada ee Alshabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.