Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa tuma Gabadha noqotay Ra’isalwasaaraha Uk
    Somalia

    Waa tuma Gabadha noqotay Ra’isalwasaaraha Uk

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 5, 2022No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Liz Truss ayaa noqon doonta ra’iisal wasaaraha cusub ee UK, kadib markii ay ku guulaysatay codbixinta xisbigeeda Conservative-ka. Waxa ay xilka kala wareegi doontaa Boris Johnson.

    Haddaba waa tuma Liz Truss?

    Mary Elizabeth Truss waa 47 jir ku dhalatay Oxford, isla markaana wax ku baratay jaamacadda Oxford. Waxay u dhaxdaa xisaabiye Hugh O’Leary, waxaana u jooga laba hablood.

    Markii ay todobo jir ahayd, Liz Truss ayaa doorasho jilitaan ah oo ka dhacday iskuulkeeda ku matalaysay haweeneydii hoggaamin jirtay Britain ee Margaret Thatcher.

    Aabaheeda waxa uu ahaa macallin jaamacadeed oo dhigga maadaada xisaabta, halka hooyadeed ay ahayd kalkaaliso caafimaad.

    Liz Truss oo taageertay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub ayaa sanadihii dambe noqotay mid aad ugu dhaw garabka midig ee xisbiga Conservative-ka, kuwaas oo u ololeeyay bixitaanka UK.

    Markii hore waxa ay ka tirsanayd taageerayaasha xisbiga Liberal Democrat. Waxa ay isku tilmaantay inay qaadi doonto dhabbihii ra’iisal wasaarihii hore, Margaret Thatcher.

    Ma ahayn qof shacbiyad badan ku dhex leh siyaasiyiinta xisbiga Conservative-ka, hase yeeshee waxa ay ololaheeda ku salaysay arrimo soo jiitay xubnaha rayidka ah ee xisbiga, sida canshuur dhimidda, kuwaas codkooda siiyay.

    Sidoo kale waxa ay taageero ka heshay siyaasiyiinta daacadda u ah ra’iisal wasaaraha xilka ka degaya, maadaama ay garab istaagn u muujisay, isla markaana diidday inay iska casisho xilka xoghayaha arrimaha dibedda mise ay dhaliisho Boris Johnson.

    “Waa qof taqaana waxa ay dooneyso iyo waxa aanay rabin,” ayuu yiri walaalkeeda Francis oo ka warramayay shakhsiyaddeeda.

    Maadooyinka Falsafadda, siyaasadda iyo dhaqaalaha ayay ka baratay jaamacadda Oxford.

    Mudadii ay dhiganaysay jaamacadda Oxford, waxa ay ka qeyb qaadatay ololayaal badan, si gaar ahna u khuseeyay arrimaha siyaasadda. Markii dambe waxa ay noqotay hogaamiyaha ardayda Liberal Democrats ee jaamacaddaas.

    Kulan uu xisbiga Liberal Democrats yeeshay Brighton sanadkii 1994, ayaa waxa ay taageertay olole meesha looga saari rabay boqortooyada UK. Waxa ay ku doodday “Ka Liberal Democrats waxaan rumaysannahay in fursado siman ay helaan dadka oo dhan. Ma aaminsanin inay jiraan dad ku dhasha xukunka.”

    Kadib markii ay ka qalin jebisay jaamacadda, waxa ay xisaabiye ka noqotay shirkadda Shell, and Cable & Wireless, halkaas oo ay isku barteen seygeeda Hugh O’Leary. Waxay aqal galeen sanadkii 2000.

    Waayaheedda siyaasadda

    Ms Truss ayaa doorashadii guud ee 2001 u tartantay xildhibaanka Hemsworth, iyadoo u sharraxnayd xisbiga Conservative-ka, balse waa laga guulaystay. Markale ayay 2005 isu sharraxday xildhibaanka Calder Valley, hase yeeshee ma aanay guulaysan.

    Hase yeeshee sanadkii xigay ayaa waxaa loo doortay golaha deegaanka Greenwich ee koonfur bari London.

    Hogaamiyihii xisbiga Conservative-ka David Cameron ayaa sanadkii 2010 Ms Truss u xushay inay u tartanto kursiga baarlamaanka ee Koonfur Galbeed Norfolk, kaasoo aan ka bixin gacanta xisbigaas.

    Inkastoo ay cadaadis xooggan kala kulantay maqaawiirta xisbiga ee deegaankaas, ayaa haddana waxa ay codad badan ku heshay guusha doorashadaas.

    Sanadkii 2012 ayaa waxa ay markii ugu horreysay kamid noqotay xukuumadda, iyadoo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, laba sano kadibna waxaa loo dallacsiiyay xoghayaha deegaanka ee UK.

    Sanadkii 2021 ayaa iyada oo 46 jir ah waxa ay kamid noqotay wasiiradda ugu awoodda badan xukuumadda, waxaana loo magacaabay xoghayaha arrimaha dibedda, iyadoo xilkaa kala wareegtay Dominic Raab.

    Waxa ay qabatay hawlo ay kamid yihiin wax ka bedalidda heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub gaar ahaan arrinta xuduudda Waqooyiga Ireland, taasoo ka caraysiisay madaxda Brussels.

    Waxa ay ka shaqeysay sii deynta laba muwaadin oo haysata dhalashada Britain balse ka soo jeeda Iran, kuwaas oo u xirnaa xukuumadda Tehran.

    Markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, waxa ay kamid ahayd siyaasiyiinta sida weyn u garab istaagay xukuumadda Kyiv, iyadoo ku doodday in ciidamada Putin gebi ahaanba laga xoreeyo dalkaas.

    Waxaa se lagu dhaliilay inay taageertay dadka ka tegaya UK ee doonaya inay u dagaallamaan dowladda Ukraine.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.