Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waare oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Ciidul Adxaa
    Somalia

    Waare oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Ciidul Adxaa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 30, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Hirshabelle ayaa waxaa uu Hambalyo ku aadan Munaasibadda Ciidul Adxaa u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay inay is cafiyaan dhammaan umadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga farxiyo dadka danyarta ah iyo ubadkeena soo koraya.

    ‘’ Illaah waxaan ka baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo Nabad-gelyo, Horumar, Wadajir , Midnimo iyo inaan ka shaqeyno midnimadeena iyo horumarkeena ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

    ‘’ Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya wanaagsanaato, in Soomaaliya horumarto, in Hirshabelle meesha ay hada joogto sanandka dambe meel ka fiican ay gaarto dhanka horumarka iyo nabad-gelyada ‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Waare.

    Madaxweynaha Hirshabelle waxaa uu sidoo kale baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaad beeleedyada mararka qaar Hirshabelle ka dhaca in lagu bedelo walaalnimo iyo wax wada qabsi.

    ‘’ Waxaan rajeynayaa in caqligu shaqeeyo , waxaana rabaa inaan ku booriyo cilimo udiinka, madax dhaqameedka, ganacsatada , waxgaradka reer Hirshabelle inay u kacaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarinta Dowladnimada’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare.

    Ugu dambeyntii Waxa sidoo kale Ciida Carafo uu u diray Guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwa Hirshabelle, iyo ciidamada Amisom Ka howlgala Hirshabelle Gaar ahaan Ciidamada Hiil Walaal Ee Jibuuti Iyo Shacbiga Walaalaha Jibuuti, isagoo u rajeeyay caafimaad qab iyo Horumar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.