Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wada hadaladii Qaramada midoobey hormuudka ka ahayd Ee Puntland iyo maamulka Jeegaanta oo fashilmay
    Somalia

    Wada hadaladii Qaramada midoobey hormuudka ka ahayd Ee Puntland iyo maamulka Jeegaanta oo fashilmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 30, 2018Updated:May 30, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Waxaa fashilmay waanwaan aan caga badan ku taagnayn oo ay waday beesha caalamka,gaar ahaan Qaramada midoobey,taasoo looga gol lahaa xal uhelida dagaalka Sool.
    Puntland ayaa aqbashay waanwaantaas,isla markaana muujisay qadarin diblomaasiyadeed,gacantana ka saartay wafuudii beesha caalamka ee dhexdhexaadintaas waday shuruudaha dhankeeda ay ku xirayso sidii dagaalkaas looga baaqsan lahaa.
     
    Puntland ayaa hor dhigtay beesha caalamka shuruudo ay ka mid ahaayeen in ay xabada ay joojianyso ciidankeeda xakamaynayso hadii Muuse Biixi uu kala baxo Maleeshiyaadkiisa guud ahaan dhulka Puntland dibna ugu laabto xuduuda beeshiisa ee labiga gaatamo.
     
    Dhanka maamulka Jeegaanta ee Somaliland ayaa beesha caalamka kala kulntay niyad jab iyo isfahan waa xoog leh,
     
    Maamulka jeegaanta ayaa ku adkaystay in uusan maleeshiyadiisa kala baxayn Sool,isla markaana Puntland dhul ay leedahay aysan joogin ciidamadoodu.
     
    Wakiilada beesha caalamka ee waanwaanta waday ayaa wada xaajood saacado badan qaatay oo ay la galeen Muuse Jeegaan waxay ugu danbayntii ogolaysiiyeen in uu gogortan galo.balse waxaa wax walba fashiliyay markii maamulka Jeegaantu soo bandhigay shuruudo aan la aqbali karin oo ay kamid ahayd in beesha caalamku u aqoonsato kooxda Cali Khaliif maamul la yiraahdo khaatumo oo jira.
     
    Dhanka kale Wada hadaladii dhexmaray Beesha Caalamka, DFS iyo Puntland ayaa lagu sheegay in Dowladda Puntland iyo shacabkeedu muujiyeen dulqaad fara badan.
     
    Sidoo kalena beesha caalamku ay ku boorisay in ay sii wadaan dulqaadkaas iyo xakameynta ciidankooda.
     
    Dowlada Puntland,ayaa u sheegtay beesha caalamka in Muuse Biixi uu waday dandaansi iyo hurin dagaal si uu u helo fursad siyaasadeed ee uu ku gor gortamo,balse noqotay mid u soo jiiday dhimasho iyo dhaawac uu asagu ka masuul yahay.
     
    Puntland ayaa sheegtay in Muse Biixii doonayo inuu colaadda gabaad uga dhigto colaadaha qabiiliga ah ee ka dhex aloosan Somaliland iyo sicir bararka dhaqaale ee xad dhaafka ah ee Maamul xumadiisu keentay.
     
    Puntland samirkii iyo dulqaadkii wuu ka soo dhamaaday mana qaadan doonto dhib iyo colaad hoos galis ah waxayna difaacaysa shacabkeeda.
     
    Dowlada Puntland ayaa si rasmi ah beesha caalamka ugu xaqiijsay in aysan ka baaqsanayn difaacida dadkeeda iyo dhulkeeda.
     
    Waddamada Ingriiska, Mareykanka, Ethiopia iyo Jabuuti ayaa isku raacay in siyaasadda Muse Bihi ee qar iska xoorka ah ay Somaliland u geysan doonto go’doon siyaasadeed ee hor leh.
     
    Sidoo kale,Qaramada midoobey iyo Midowga Yurub. ayaa walaac ka muujiyeye faham darida iyo nusqaanta siyaasdeed ee Muuse Biixi kula soo biiray arrimaha Gobolka.
     
    Dowlada Maraykanka ayaa Puntland umuujisay dabacsanaan siyaasadeed iyo faham kulamadii udanbeeyay.
     
    Si gaar ah Dowlada Maraykanku waxay Puntland uga garowday gardarada maamulka jeegaanta e Somaliland,isla markaana Dowlada Maraykanku waxay Puntland u cadaysay in ay fahmi karto waaqiciga jira.
     
    Talaabadan ayaa u ah Puntland guul kale oo ay dagaalka ka gaartay markii laga eego dhanka diblomaasiyada,waana sababta ay Puntland maalmahan uhakisay difaacida Dhulkeeda iyo Dadkeeda.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.