Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wafti heer Wasiir ah oo ka socda Dawlada Fadaraalka oo gaaray NewYork
    Somalia

    Wafti heer Wasiir ah oo ka socda Dawlada Fadaraalka oo gaaray NewYork

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 17, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno la socda ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, kuwaa oo horudhac u ah wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalinta berri lagu wado inay u kicitimaan New York
     
    Yuusuf Garaad oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu horu dhac u yahay wafdi Wasiiro ka kooban oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre.kuwaa oo ka Qeeb Gali Doono Gulaha Guud ee Qaramada midoobay,
     
    “Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan”ayuu yiri Yuusuf Garaad qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
     
    Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii u horeysay ka qeyb geli doona shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo shirkan uu ka baaqday Madaxweyne Farmaajo.
     
    Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in maanta shirar gooni gooni ay ay la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka oo hirkaan ka qeyb galaya.
     
    Dhinaca Kale Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa New York kaga qeyb galaya Shir kale oo soo qaban qaabisay Dowladda Maraykanka kaas oo sanadkiiba mar dhex-mara Maraykanka iyo qaar ka mid ah Dowladaha Muslimka ah waxaana looga hadlaa sida Maraykanka iyo Muslimiinta isaga kaa shaan lahaayeen amniga.
     
    Madaxda shirkaasi ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah hogaamiyaal Dowladda Maraykanka ay muwaadiniintooda ka mamnuucday in Maraykanka u safraan sida Soomaaliya, Ciraaq iyo kuwa kale.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.