Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»PL iyo Galmudug oo go’aamo Wadajir ah kasoo……
    Puntland

    PL iyo Galmudug oo go’aamo Wadajir ah kasoo……

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 9, 2025Updated:January 9, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo: January 05, 2025: Shirkii Mas’uuliyiinta labada Dawladood ee Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka furmay January 05, 2025, loogana arrinsanayey sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa dirirta iyo colaadda soo noqnoqotey ee u dhaxaysay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase, horena looga soo saaray baaq wada jir ah oo ku aaddan xabbad joojinta labada dhinac ayaa maanta laga soo saarey go’aamada hoos ku xusan:-

    1. Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood.

    2. In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac.

    3. In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.