Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland
    Puntland

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 15, 2025Updated:June 15, 2025No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taageerada Dhallinyarada Puntland ee Dowladda Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

    Anaga oo ah dhallinyarada reer Puntland, kana dambeeya Jamaahiirta Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland, waxaan si cad oo aan gabasho lahayn u caddeyneynaa in mar walba aan garab iyo gaashaan u nahay Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Taageeradayada waan muujiyey horay, maanta iyo berri dambena diyaar ayaan u nahay in aan mar walba garab istaagno dowladda iyo hoggaankeeda wanaagsan.

    Anagoo ah dhallinyaro aqoon leh, wax ku soo bartay gudaha dalka iyo dibaddaba, weli waxaan sugaynaa fursadihii iyo kaalintii ay dhallinyarada Puntland xaqa u lahaayeen in ay ka qaataan horumarka iyo dhismaha dalkooda. Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa in Madaxweynaha Puntland uu yahay hoggaamiye si buuxda u garwaaqsan muhiimadda dhallinyarada, isla markaana og in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta horumarka iyo horusocodka ummadda.

    Mudane Madaxweyne, mar kale waxaan ku xusuusinaynaa in aad fursad muuqata siisaan dhallinyarada aqoonta leh ee ku sugan gudaha dalka, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta Puntland, difaaca dalkooda, iyo xoojinta dowladnimada.

    Waxaan ognahay in dhallinyarada Puntland ay yihiin cududda ugu weyn ee dalka iyo shacabka. Sidaas darteed, waxaan mar kale codsaneynaa in loo abuuro fursado shaqo oo dhab ah iyo nolol sharaf leh oo ay ku dhistaan mustaqbalkooda kuna adeegaan dalkooda.

    Dhanka kale, waxaan ugu baaqeynaa dhallinyarada Puntland in ay ilaashadaan nabadda, midnimada, iyo horumarka Puntland. Waxaan sidoo kale farriin cad u diraynaa: Joojiya tahriibka! Nolol wanaagsan waxaa laga helaa dalkiinna, tahriibkuna wuxuu keenaa kaliya burbur iyo hoog. Ilaashada naftiinna, dalkiinna, iyo dadkiinna.

    Jamaahiirta Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland maaha urur maanta un dhacay, balse waxay ahaayeen hormuudkii u istaagay hirgelinta dimuqraadiyadda dhabta ah ee Puntland. Waxay ahaayeen dhallinyaradii ugu horreysay ee abaabushay xafladaha lagu taageerayo ciidamada difaaca Puntland, waxayna hormuud ka ahaayeen abaabul walba oo sare loogu qaadayo niyadda iyo dhiirigelinta ciidamada.

    Waxay sidoo kale taageero toos ah siiyeen guddigii uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, guddigaas oo qaabilsanaa isku dubaridka taageerada iyo u qareemidda ciidamada. Taageeradooda kuma ekaan gudaha kaliya, waxay sidoo kale si xoog leh uga hadleen warbaahinta, iyagoo dhiirrigelinaya ciidamada una caddeynaya shacabka xaqnimada dagaalka ay ku jiraan.

    Waxaa intaas dheer, Jamaahiirta Difaaca iyo Dimuqraadiyaddu waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee dadweynaha u cadeeyay in dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta iyo Daacish uu yahay dagaal xaq ah oo lagu difaacayo diinta iyo dalka. Iyaga kadib ayaa culumadii kale ee dalka si rasmi ah u caddeeyeen mowqifkooda oo ay taageereen ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland.

    Jamaahiirta Difaaca iyo Dimuqraadiyaddu waa dallad ballaaran oo xiriir dhow la leh dowladda, waxayna ka kooban yihiin dad aqoon durugsan leh, isla markaana si hagar la’aan ah ugu shaqeynaya danaha shacabka Puntland iyo dowladnimadooda.

    Ugu dambayn, waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu guul waarta siiyo Dowladda Puntland, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah ee cadowga ku ah diinta iyo dalkaba. Waxaan halkan uga diraynaa salaan sharaf iyo bogaadin ciidamada Puntland ee guulaha waaweyn ka keenay wajiyadii hore ee dagaalka. Waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu naxariisto shuhadada ciidamada, dhaawacyadana bogsiin degdeg ah siiyo. Guushu way dhow dahay Insha’Allaah.

    Waxaa soo saaray:
    Dhalintarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland
    15 Juun 2025

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 15, 2025

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    June 15, 2025

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    June 15, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Nuxurka Khudbada Mw Deni ee furitaanka Kalfadhiga 56-Aad?

    Maxay kawada hadleen Puntland iyo Beesha Caalamka?

    Quwadaha caalamiga ah oo dhiirigelin usameeyay Ciidamada Difaaca Puntland

    Sarkaal muhiim ah oo laga qabtay kooxda Argagixisada Daacish

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.