Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii udanbeeyay dagaalka Armeeniya iyo Azarbajaan
    Somalia

    Wararkii udanbeeyay dagaalka Armeeniya iyo Azarbajaan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 8, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia,ayaa sii socday maanta oo Khamiis ah, ka hor wada-hadallo la filayo in Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska ay ka yeeshaan sidii xabad-joojin loo gaari lahaa.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Azerbaijan Jeyhun Bayramov,ayaa magaalada Geneva kula kulmi doona safiirada Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska, halka wasiirka arrimaha dibedda Armenia Zohrab Mnatsakanyan la filayo inuu saraakiil ka socota saddexdan dal kula kulmo Moscow.

    Wada-hadalladan,ayaa billow u ah dadaal xoogan oo saddexdan Quwadood ee caalamka ay ku doonayaan in lagu joojiyo dagaalka.

    Saacado kahor inta aysan billaabin wada-hadallada, ayaa Azerbaijan waxay sheegtay in magaalada Ganja ee bartamaha dalkaas ay madaafiic ku garaaceen ciidamada Armenia.

    Waxay intaas ku dartay in sidoo kale qof shacab ah lagu dilay gobolka Goranboy iyo xaafado iyo magaalooyin kale oo ay duqeeyeen ciidamada Armenia.

    Mas’uuliyiinta Azerbaijan,ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof oo shacab lagu dilay 143 kalena lagu dhaawacay dagaalka tan iyo markii uu billowday 27-kii September.

    Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh,ayaa sheegay in la duqeeyey magaalada ugu weyn maamulkooda ee Stepanakert, halkaasi oo lagu dilay 30 askari, taasi oo tirada askarta illaa hadda uga dhimataya dagaalka ka dhigeysa 350.

    Waxay intaas ku dareen in sidoo kale 19 qof oo shacab ah ay dhinteen.

    Armenia,ayaa sheegtay inay xilka ka qaaday madaxii hay’adda sirdoonka qaranka oo lagu eryey wareegto madaxweyne lamana sheegin wax sabab ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.