Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wararkii ugu dambeeyay ee Howlgalka ciribtirka Daacish
    Puntland

    Wararkii ugu dambeeyay ee Howlgalka ciribtirka Daacish

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 25, 2025Updated:May 25, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Daacish ayaa maraya meel wanaagsan, iyadoo ciidamada Difaaca Puntland ay ku guda jiraan diyaargarowgii u dambeeyay ee soo afmeeriida firxadka argagixisada.

    Ciidamada ayaa maalmaha soo socda qaadi doona howlgal cir iyo dhul ah, kaas oo lagu beegsanayo goobo lagu tuhunsan yahay in ay ku sugan yihiin saraakiil iyo maleeshiyaad katirsan Daacish oo ajaanib iyo Soomaali ah.

    Wafti ka socda Dowladda Puntland, uuna hoggaaminayay Guddoomiye kuxigeenka Gollaha Wakiillada Puntland ayaa sabtidii gaaray furimaha hore ee dagaalka, iyagoo kulan la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka oo uga warbixiyay diyaargarowgooda iyo natiijada howlgalladii la sameeyay maalmihii lasoo dhaafay.

    Waddo cusub oo loo diyaariyay isticmaalka ciidamada Puntland, tagaysana aagga Miraale ayaa gabagabo ku dhow, waxaana bilowday in gaadiidka ciidamadu adeegsadaan, si loo gaaro saldhigyada kooban ee gabaadka u ah Daacish.

    Maalmo kahor, ciidamada ayaa burburiyay keydkii ugu weynaa ee raashinka iyo saadka kale ee argagixisada Daacish ku lahayd Miraale, ciidamada ayaa helay hogga keydka ahaa oo laga sameeyay meel ay adag tahay in si fudud loo helo.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    January 6, 2026

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    January 6, 2026

    Qabashada Madoru oo fadeexad ku noqotay Shiinaha.

    January 5, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Qabashada Madoru oo fadeexad ku noqotay Shiinaha.

    Todobaadkii Labaad oo Banaanbaxyo waa weyn ka socdaan Iran

    Gudiga farsamada Golaha Mustaqbalka Somaliyed oo kulan uga furmay Garowe

    Maxay kawada hadleen Xasan Shiikh iyo Sh.Shariif?

    Faallo:-Qabashada Moduro iyo saamaynta caalamka?

    Faallo:-Loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Ee Yemen?

    Xog:-Shidaal baarista Turkigu ka wado Somaliya?

    Maraykanka oo weeraray gudaha caasimada Venezuela

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.