Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wararkii ugu dambeeyay ee Howlgalka ciribtirka Daacish
    Puntland

    Wararkii ugu dambeeyay ee Howlgalka ciribtirka Daacish

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 25, 2025Updated:May 25, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Daacish ayaa maraya meel wanaagsan, iyadoo ciidamada Difaaca Puntland ay ku guda jiraan diyaargarowgii u dambeeyay ee soo afmeeriida firxadka argagixisada.

    Ciidamada ayaa maalmaha soo socda qaadi doona howlgal cir iyo dhul ah, kaas oo lagu beegsanayo goobo lagu tuhunsan yahay in ay ku sugan yihiin saraakiil iyo maleeshiyaad katirsan Daacish oo ajaanib iyo Soomaali ah.

    Wafti ka socda Dowladda Puntland, uuna hoggaaminayay Guddoomiye kuxigeenka Gollaha Wakiillada Puntland ayaa sabtidii gaaray furimaha hore ee dagaalka, iyagoo kulan la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka oo uga warbixiyay diyaargarowgooda iyo natiijada howlgalladii la sameeyay maalmihii lasoo dhaafay.

    Waddo cusub oo loo diyaariyay isticmaalka ciidamada Puntland, tagaysana aagga Miraale ayaa gabagabo ku dhow, waxaana bilowday in gaadiidka ciidamadu adeegsadaan, si loo gaaro saldhigyada kooban ee gabaadka u ah Daacish.

    Maalmo kahor, ciidamada ayaa burburiyay keydkii ugu weynaa ee raashinka iyo saadka kale ee argagixisada Daacish ku lahayd Miraale, ciidamada ayaa helay hogga keydka ahaa oo laga sameeyay meel ay adag tahay in si fudud loo helo.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.