Burburka Xaruntii Sirdoonka Ilaalada Kacaanka ee Tehran,waxaa ku hoos jira Talyihii iyo ku xigeenkiisii oo lagu kala magacaabo…
B. Sarreeye Guuto Maxamed Kasimi oo ah Madaxa Hay’adda Sirdoonka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).
T. Ku xigeenkiisa Jeneral Xasan M.
Israa’iil,waxay bartilmaameedsanaysaa Xarumaha iyo Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada kala duwan ee Iran.
Halka Iran aysan haysan xog fadhida oo ay ku bartilmaameedsato Xarumaha la midka ah ee Israa’iil OO gantaaladaeeda ay ku dhacayaan Guryaha Shacabka caadiga ah oo mar horaba laga sii taxadaray.
Ilaa iyo hada Israa’iil,waxay khasaare fiican gaarsiisay….
1.Xarumihii Niyuukleerka.
2.Xarumihii Gantaalada.
3.Xarumihii Gantaalada Balaastikada
4.Talisyadii Ciidamada.
5.Saraakiishii hogaamada.
5.Culumadii Sayniska ee Niyuukleerka oo ay dishay ilaa iyo hada 14-Saynisyahan.
Israa’iil,waxay ka faa’idaysanaysaa xiligan burburka dhaqaale ee Iran haysta oo Lacagteedii ay Dhulka gashay,isla markaana Cunaqabataynaha saaran ay diciifiyeen.