Awoodii Gantaallada ee Wadaadada si weyn,ayaa loo diciifiyay.
Diciifintaas kadib Waji cusub oo hawlgalka ah,ayaa bilaabanaya,waxaana Ciidamo Lug ah la gelinayaa gudaha Iran.
Ujeedku,waa Sadex qodob oo kala ah…..
1.In Jasiirada Shidaalka uga dhoofo Wadaadada la xiro.
- In Marinka Hormus laga fogeeyo Gantaallada Wadaadada oo Cirka iyo Dhulkaba laga dego.
3.In Isfahaan oo kaydka Yuraaniyamka Wadaadada uyaalo la qabto.
Trump ugu badnaan Laba Todobaad oo danbe kadib in uu hawlgalka soo koobo,ayuu rabaa,waxaase khatartooda leh Ciidamada Lugta iyo Wajiga cusub…..
- Carabta Khaliijka maysan helin,waxay rabeen ee ahaa in Wadaadada meesha laga saaro si dhamaystiran.
- Israa’iil maysan helin,waxa ay rabtay ee ahayd in Iran la burburiyo guud ahaan.
- Maraykanku,wuxuu rabay,waa gaaray oo ahaa in uu diciifiyo awooda Wadaadada.
Sidoo kale Maraykanku ma rabo in Wadaadadu meesha ka baxaan si dhamaystiran,sababtoo ah…..
B.Iran oo nidaamkeedu burburo,waxaa ka dhalanaya Qaxooti fara badan,argagixiso iyo fawdo aan la xakamayn karin.
T. Wadaadada joogistooda,wuxuu Maraykanku ku maalaa Carabta Khaliijka.
