Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu danbeeyay Ee Doorashooyinka UK
    Somalia

    Wararkii ugu danbeeyay Ee Doorashooyinka UK

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xisbiga Conservative-ka ee Raโ€™iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinkii dowladaha hoose ee xaafado ay ku xoogaanaayeen oo ka mid ah London iyo qeybaha kale ee dalka.

    Natiijooyinka horudhaca ah ayaa muujinaya in Johnson uu lumiyey taageeradii koonfurta bari ee London, hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa si deg deg ah maanta u sheegay inaan la joogin xilligii la sameyn lahaa isbeddel hoggaamiye.

    Xisbiga Conservative-ka ayaa laga eryey degmada Wandsworth ka mid ah London, oo ay maamulayeen tan iyo 1978-kii. Waxay sidoo kale lumiyeen degmada Barnet, oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 1964-kii marka laga reebo laba doorasho.

    Xisbiga Labour-ka ayaa sidoo kale markii ugu horreysay ku guuleystay golaha deegaanka Westminster, oo ah degmada ay ku yaalaan inta badan xafiisyada dowladda.

    โ€œNatiijo cajiib ah, gebi ahaan cajiib ah, I rumeysta tani waa isbeddel weyn oo ku yimid doorashadii 2019,โ€ waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Keir Starmer oo taageerayaashiisa kula hadlay London.

    Natiijada rasmiga ah oo soo baxeysa xilli dambe oo Jimcaha maanta ah ayaa muuqaal muhiim ah ka bixin doonta aragtida shacabka tan iyo markii xisbiga Johnson ee Conservative-ka ay 2019-kii ku guuleysteen aqlabiyaddii ugu badneyd muddo 30 sano ah.

    Codbixintan ayaa tijaabo doorasho u ah Johnson tan iyo markii uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee British ah ee sharciga jebiya isaga oo xafiiska jooga.

    Waxaa bishii lasoo dhaafay loo ganaaxay inuu ka qeyb-galay xaflad dhalasho oo ka dhacday xafiiskiisa 2020-kii, isaga oo jebiyey xayiraadihii dowladda soo rogtay ee lagu xakameynayey faafitaanka cudurka COVID-19.

    Guuldarrooyinka golayaasha deegaanka London, oo inta badan laga xaaqay Conservative-ka ayaa cadaadiska ku kordhin doona Johnson oo bilooyin badan dagaal ugu jiray badbaado siyaasadeed.

    Doorashooyinkii dhacay Khamiistii ayaa goโ€™aan ka gaari doonaa maamulka in ka badan 7,000 oo goleyaal deegaan ah, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla London, Scotland iyo Wales iyo saddex meelood meel England.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.