Waxay ahaayeen Sadex Markab mid horay,waxaa uqabatay oo kala degtay Hubkii Dowlada Eretereya,halka kii Labaadna ay isla Eretereya hada hayso,kanna,waa kii Sadexaad,sidaa waxaa ii sheegay Sarkaal ka mid hay’adaha amaanka PL.
Markabku in usoo maray Masar,ayay xaqiijinayaan laamaha amaanka PL ka hor inta uusan ku xumaan Xeebta Bareeda ee PL,isagoo raba in uu la laabto Raasiga.
Shacabka PL ee Xeebaha,ayaa arkay oo soo sheegay,waxaana dhacday in ay kala degeen Qoryo fudud oo 20- gaaraya,kuwaasoo haatan laga daba tagay,sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil ka mid ah Ciidamada Badda PL.
Maraakiibtan iyo Hubkooda,waxaa ku Shaqaysta Shirkado Calooshood ushaqaystayaal ah oo degan Asarbajaan iyo Seerbiya,sida uu iisheegay Sarkaalkaas ka tirsan hay’adaha amaanka PL.
Waa xog kale oo muujinaysa in Hubkan aysan cidna lahayn oo PL cidna aysan ka xigin maadaama Xuduuda Badeeda ay ka qabatay ayna ka hawlgaleen Ciidamada PMPF ee uxilsaaran amniga Badaha oo caalamku ku og yahah.