Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu danbeeyay Mudaaharaadyada Maraykanka
    Somalia

    Wararkii ugu danbeeyay Mudaaharaadyada Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 31, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gudoomiyaasha gobolka Minnesota iyo 11-Gobol oo kale ayaa howlgaliyey ciidammada Ilaalada Qaranka, iyaga oo la kulmay habeen kale habeen kale oo mudaaharaadyo rabshado wata ay gobolladaasi ka dhaceen kuwaasi oo ka dhashay dilkii nin Mareykan madow ah Isniintii loo geystay isaga oo ku jira gacanta booliska magaalada Minneapolis.

    Afartii cisho ee la soo dhaafay, mudaaharaadyo ku bilowday hab nabadeed ayaa isku rogay kuwa rabsho ah ka dib markii qaar ka mid ah debedbaxayaashu ay ku keceen boob, dab qabadsiin iyo rabshado ka dhacay Minneapolis, magaalada deriska la ah ee St. Paul ayna ku baaheen magaalooyin kale oo Mareykanka ah.

    Gudoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ballan qaaday in “awood buuxda” loo adeegsan doono soo celinta nidaamka iyo kala danbeynta.

    Gudoomiyeyaasha ilaa 11 gobol oo kale oo kala ah Georgia, Kentucky, Ohio, Wisconsin, Colorado, Utah, Washington, California, Tennessee, Missouri iyo Texas ayaa iyana howlgeliyey ciidamada Ilaalada Qaranka si ay u kala eryaan debedbaxayaasha ku sugan goobaha ay rabshaduhu ka dheceen.

    Gudoomiyaha gobolka California, Gavin Newsom, ayaa iclaamiyey xaalad degdeg ah oo uu ku soo rogay magaalada Los Angeles, halkaasi oo gelinkii danbe ee xalay dab la qabad siiyey goobaha qaar.

    Magaalada Indianapolis, waxaa la soo wariyey in is rasaaseyn ay ka dhacday bartamaha magaalada habeenkii Sabtida oo ahayd habeenkii labaad ee halkaasi uu banaanbax ka dhaco. Hal qof ayaa ku dhintay 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

    Madaxa booliska ee magaaladaasi, Randal Taylor, ayaa ku booriyey in ay dadku ka baxaan aagga bartamaha magaalada, isaga oo sheegay in aysan ammaan aheyn.

    Ku dhawaad 1,400 oo qof ayaa lagu xiray meelo badan oo Mareykanka ah sida ay soo warisay wakaaladda wararka ee AP. Tirada ayaa laga yaabaa in ay sare u kacdo maadaama mudaaharaadyadu ay yihiin kuwa sii socda lana qabto xilliyada habeenkii ah.

    Maayerrada magaalooyin badan ayaa soo rogay bandaw xilliga habeenkii ah taasi oo ay kaga jawaabayaan rabshadaha ka dhashay banaanbaxyada, waxaana magaalooyinka bandawga lagu soo rogay ka mid ah Los Angeles, Seattle, Atlanta, Denver, Philadelphia, iyo magaalada Portland oo ka tirsan gobolka Oregon.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.