Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»WARBIXIN MUHIIM AH: Waa maxay Ujeedada ka dambeysa Qaraxyo lagu weeraro Boosaaso, Maxaadse ka og tahay Siyaasaddaha Is qarinaya?
    Somalia

    WARBIXIN MUHIIM AH: Waa maxay Ujeedada ka dambeysa Qaraxyo lagu weeraro Boosaaso, Maxaadse ka og tahay Siyaasaddaha Is qarinaya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 25, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ujeedada ugu balaaran ee ay kooxaha ka soo horjeeda Nabadda iyo Daganaanshaha Puntland qaraxyada iyo weerarada ugu geysanayaan Boosaaso ayaa lagu sifeeyaa ujeedooyin kala duwan, laakiin dhamaantood ah kuwa guracan.
     
    Boosaaso ayaa ah hoyga kulmisay Ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa wadamada jaarka ah oo aan waxba la weydiinin si wanaagsan ay ugu ganacsadaan, haddana marar badan ayay ka dhacaan falal Argagixiso.
     
    Qaraxyadii ugu dambeeyey iyo shabakadihii Argagixiso ee ay fashiliyeen ciidamada Difaaca Puntland, waxay muujinaysaa in ay Boosaaso badbaadintii ay badbaadisay Ummadda Soomaaliyeed ay ugu abaal-gudeen qaarkood u soo xawilida qaraxyo iyo falal Argagixiso.
     
    Shacabka Puntland ayaa garowsan sidda ay muhiim u tahay la dagaalanka cid kasta oo nabadooda ka soo horjeeda, waana taas midda keentay in ay gacan iskaga difaacaan cadowga, gacana ku caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.
     
    Dhacdadii 14 October ka dhacday Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, waxay Shacabka magaalada Boosaaso iska aruuriyeen lacag ka badan Nus Malyun Dollar, ay uga qeybqaadanayeen sidii gurmad loo gaarsiin lahaa walaalahaas waxyeeladu soo gaartay.
     
    Boosaaso sannadkii ay cayrowday ma jirin lacag lasoo gaarsiiyey oo ay ka heshay Shacabka Soomaaliyeed, laakiin markale ayay garatay doorkeeda deeqsinimada oo ay guul ku heshay.
     
    Deeqda oo la bixiyo waa BALAAYO XIJAAB, ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka magaalada Boosaaso oo qiray in ay wax kasta oo loo geysto Eebe ka yasiro, ayna taasi ku timid walaaltinimada ay mar kasta muujiyaan.
     
    Kasokow falalka Argagixiso magaalada waxaa duulaan ku haya dad ka soo horjeeda daganaanshaha, Kobaca Ganacsi iyo Kaabayaasha dhaqaalaha ee hadda socda waxayna doonayaan in aan waxba horumar ah la gaarin.
     
    Dawladdo Carbeed oo ay ku jiraan kuwii horey buuraleyda Galgala ugu Asaasay Al- Shabaab iyo shaqsiyaad kusugan Muqdisho oo ka soo horjeeda horumarka iyo geedi socodka Faderaalisimka ee ay Puntland hormuud u tahay, waxay fursad muhiim u arkayaan in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodaan.
     
    Si ay u kala dhantaalaan Midnimada & Amniga wanaagsan ee Puntland, laakiin Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ciidamada Amnigu waxay si dhameystiran xidida ugu sii-been isku day kasta oo Argagixiso.
     
    Dawladda & Shacabka ayaa iska kaashanaya sidii ay talaabo uga qaadi lahaayeen kooxahan, waxaana cadaaladda la keenay qaar badan oo abaabulay dilal qorsheysan iyo dhagaro ay ka mid yihiin qaraxyo waa weyn oo ay galinayeen Boosaaso.
     
    Shacabku wuxuu sii laba-jibaaray wada shaqeynta ay la leeyihiin Laamaha Amniga, waxayna xooga saareen in ay la socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay ka shakiyaan, taas oo ay ku heleen in la fashiliyo wax kasta oo ay isku dayaan kooxahan Argagixiso iyo kuwa diidan horumarkaba.
     
    Boosaaso ayaa hadda leh Garoonka ugu casrisan ee Soomaaliya, sidaas oo kale waxaa dibu habeyn weyn lagu bilaabay Dekedii hore, iyadoo sannadkan gudihiisana la bilaabi doono dhismaha Dekeda Cusub ee ay saxiixday dawladda Puntland, talaabadaas oo ay mid guul-weyn u ah Shacabka Soomaaliyeed oo dhan.
     
    Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dadaalaya sidii kor loogu qaadi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, xili ay kooxaha diidan Horumarka iyo Argagixisadu abaabulayaan dhagarro lagu gumaadayo Shacabka Soomaaliyeed, waxaana taasi bedelkeeda Xukuumadu hardan adag kula jirtaa cid kasta oo ka soo horjeeda Amniga guud.
     
    WD.Farah Abdulkadir Geylan
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.